Fikradaha Maqaalkani xambaarsan yahay waxay u gaar tahay Qoraaga soo Qoray oo kaliya, MudugNet kama mas'uul aho dulucda maqaalkan wixii eedeyn iyo wax weydiin waxaa lagu hagaajin karaa akhristaha oo kaliya.

 

Mogadishu: Warlord Yeey & Gen.Gabre OO Rag Shirqoolaya



Kagadaal kolkii xoogaga xaq u dirika dalka Somalia ay fashiliyeen hamigii Xabashida iyo xulafadeeda ku doonayeen in dadka iyo Dalka Somalia la hoos geeyo gumeysiga madow ee xabashida, islamarkaasna mashruucii dabadhilifyada ee TFG oo Somalia loogu soo gabaday uu asna shiiqay oo afka ciida loogaliyay oo dockasta uu ka fashilmay maadaama mashruuca dabadhilifyada TFG uu astaan u noqday jaajuusnimo cadowyo shisheeye, tuuganimo, burcadnimo, damiir la'aan, maangaabnimo iyo waxkasta oo  dal iyo dad gob ah haliga, ayaa waxaa si fiican u soo ifbaxday in hadafkii cadowga Somalia iyo kuwa dabadhilifka u ahba ka lahaa uu guuldaro weyn qarka u saaran yahay Alle idinkiisa.

Sidaas darteed, baa waxaa lasoo wariyay in dabadhilifka aan diinta iyo damiirka aan lahayn ee Ciidanka xabashida kusoo hoggaamiyay dalka Somalia warlord Abdullahi Yusuf, uu hadda qarka u saaran yahay in fashilka ku yimid uu u xambaariyo rag Hawiye ah oo kamid ahaa dabadhilifyada lagu adeeganayay raggaas oy kamid yihiin Gen. Abdiqaybdiid, Mohamed Dheere iyo kuwo kale.

Sida laga wada dharagsan yahay, dabadhilifka weyn ee xabashida iyo xulafadeeda warlord Abdullahi Yusuf Ahmed, in mudaa buu u gaatamayay oo dabin la raadinayay Gen. Abdiqaybdiid iyo Mohamed Dheere oo iyagu leh ciidama gaar ah oo ay naftooda ku dhowrtaan maadaama xaq u dirirku si wacan u dabataagan yihiin. Waxaa kale oo jirta in dakano ka dhaxayso Gen. Qaybdiid, Mohamed dheere oo dhinac ah iyo warlord Yeey. Dhaqanka Soomaalida waxaa kamid ah in aan la isku cafinin (dakanada ama gaboodfal).

Warlord Yeey marna ma hilmaamin aflagaadadii uu Mohamed Dheere ugu gaystay degmada Jowhar asagoo warlord Yeey ku tilmaamay ( Oday Daarood ah oo ciyaal suuq ah). sidoo kale warlord Yeey iyo Gen. Qaybdiid kalgacaltooyo ma dhextaalo aan ka ahayn (awr isku kacsi)!

Haddaba iyadoo amuuruhu ay sidaas yihiin islamarkaasna guuldaro weyni la soo daristay warlord Yeey iyo ninka ciidamada gumaysiga xabashida ee Muqdisho madaxa u ah Gen.Gabre, ayaa dhawaan lagu amray dabadhilif Nuur Hassan Hussein in uu shiriyo golahiisa lagu sheego wasiirada deetana ay soo saaraan amar xilka iyo hubka looga dhigayo Gen. Qaybdiid iyo Mohamed Dheere, iyadoo ujeedadu tahay in la khaarajiyo maadaama laga aamin baxay oo kalsoonidii lagala laabtay. Qorshayaha dhagareed ee Gen. Gabre iyo warlord Yeey waxaa maanta daboolka ka qaaday dabadhilif Ahmed C/salaan oo kooxda TFG u qaabilsan dacaayadda iyo beenta. Mooryaanka kale ee la magacaabay waa Darwiish laakiin waa khiyaano loogu duur xulayo Gen. Qaybdiid iyo Mohamed Dheere waayo warlord Darwiish wuxuu kamid yahay shaqsiyaadka aadka ugu dhadhow warlord Gabre iyo warlord yeey, balse nimanka loo danleeyahay waa Qaybdiid iyo M.Dheere.

Sayid Mohamed Abdulle Hassan-aun wuxuu gabay ku yiri ama yidhi:--- Marka hore hubkey idinka dhigin sida naagaha'e; marka xigana dushay idinka rarin sida Dameertiiye !! Walee nabsi baa rag badan duljooga !

Ugu dambeyntii, waxaa alle mahadiis ah in xabashi iyo xulafadeeduba ay maanta ildaran yihiin oo guuldaro qarka u saaran yihiin. Haddaba waxaa lagudboon Gen. Qaybdiid iyo Mohamed Dheere in aysan ogalaan in hubka laga dhigo oo ay u gacan galaan mooryaanta Majeerteen iyo xulafadooda xabashi, waxaana siweyn u khayr roon oo sharafkoodu kujiraa in ay kasoo jeestaan dhinaca xaq u dirirka oo ay wadanka waxka xoreeyaan, taasoo haddii ay yeelaan dhaxalsiin doonta in la cafiyo islamarkaasna ay dib u helaan karaamadoodii luntay  !!

Warlord Yeey, Darwiish, Morgan etc waa nimankii horseeday in la khaarajiyo halyeey-yadii iyo culumadii ay kamidka ahaayeen-aun Sheekh Aden Xaashi Cayrow, Sheekh Muxyadiin Mohamed Omar iyo culumadii lagu gowracay Masaajidka Al-Hidaaya, sidaas awgeed waa in Somalia laga qabtaa lagana hortagaa dulmigooda iyo shartooda. Ninkii khayrkii loo xiirayoow-walaal adna soo qoyso madaxa si lagaaga jaro !!

Qofkii Seefta aamina si uu danahiisa gurcan ugu gaaro, asna walee waxaa salfan doonta Seef !! He who takes the sword to commit mass murder and looting, he too will perish with the same sword !!


Hassan Ali