Galmudug: Waxay U Baahantahay In Si Dag Dag Ah Loo Badbaadiyo

Wednesday, July 21, 2010 12:54 PM

by: Xasan Abdi -Cad
 

Bismilaahir Rahmaanir Rahiim
======================
 
Maamulka hadda jira ee Galmudug oo loo huray naf iyo maal si loo taabagaliyo ayaa wuxuu marakan qarka usaaran yahay colaad iyo fowdo aan loo baahneyn. Ilaa iyo markii dhidibada loo taagan maamulka Galmudug sanadkii 2006 si looga baxo amni xumadii, kala dambeyn la'aantii iyo adeeg bulsho la'aantii, waxaa deegaanada maamulka Galmudug kadhacay isbedelo lagu diirsaday oo xaq amni, heykal maamul balaaraan oo wata faracyadiis sida aqal barlamaan, gole guurti, waxbarasho hanaqaaday, dhismiyaal bilicsan, ganacsi xoogleh, iwm.
 
Shirqool Maleegay
 
Waxaa jira shirqool iyo xasarad lagu duminayo guud ahaan waxla wixii u qabsoomay Galmudug dhinackasta uu hormood u yahay ninka lagu magacaabo Cabdi-Shurgi Cali Xersi. Ninkan Cabdi-shugri wuxuu kamid ahaa qabqablayaalkii qandaraaska kusoo qaatay in ay jabiyaan golihii maxaakiimta sanadkii 2005 balse iyaga la jabiyay.  Intii dhowr bilood wuxuu Cabdi-Shugri, sheeganayay xil been abuur ah( gudoomiyaha Ahlu sunna Waljameeca ee gobolada dhexe oo badbaadada qaranka).
 
Wararka laga helayo koofurta Gaalkacayo baa sheeganaya in Cabdi-Shugri, soo dhoobay maleesho koofurta Gaalkacyo asagoo ku andacoonaya in uu sugayo ammaanka Galmudug ! Ammaanka Galmudug waxaa ka masuul ah maamulka Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin, Cabdi-Shugri dhaqdhaqaaqa uu kawado koofurta Gaalkacyo-na waa tu siweyn lid ugu ah maamulka loo dhan yahay, amniga iyo horumarka ay ku tilaabsatay Galmudug. Warar xogogaal ah ayaa tilmaamaya in Cabdi-Shugri, in uu taageero hil iyo hooba leh uu ka haysto dad sokeeye ah oo doonaya in Galmudug jilbaha dhulka loo dhigo iyo duulal shisheeye ah oo cadow ku ah jiritaanka iyo horumarka Galmudug.
 
Su'aashu waxaa weeye:-
 
1. Waamaxay xigmadda kujirtaa in Galmudug ladumiyo?
 
2. Ma Dan gaar ah oo gurcan oo shaqsi baa mudan inloo
     haligo ummada dhan oo u hinqatay nabad iyo horumar?
 
3. Cabdi-Shugri, waamaxay abaalka uu ku leeyahay Galmudug
     oo aan ka aheyn in uu kasoo jeedo deegaanka ?
 
4. Cabdi-shugri, xagee buu ka keenay Maleeshiyada hubeysan
    oo uu soo dhoobay koofurta Gaalkacyo, waxaa la leeyahay
    Maleeshiyadaasi kama soo jeedaan Galmudug ?
 
5. Cabdi-Shugri, xagee buu ka keenay kharashka lixaadka
     leh oo uu ku bixinayo hawlaha gurcan oo uu kawado
     Galmudug ?
 
* Su'aalahaas jawaabtooda waxaan u deynayaa dadka caqliga iyo garashada fiican u saaxiibkaa !!
 
Ugu dambeyntii, waxaa haboon in maamulka Madaxweyne Caalin uu waajibaadkiisa umadeed uu dag dag u guto asagoo shir Jaraa'id amuurtan ka qabanaya isla markaasna qaadaya tilaabooyin adag oo amniga Galmudug lagu sugayo. Waxaa taagan xiligii gacan bir ah lagu qaban lahaa kuwa ka ganacsada shacabka masaakiintaa dhiigooda iyo cirdigooda ama karaamadooda. Kuwa u dhashay Galmudug oo doonaya inla dumiyo Galmudug waa kuwo ah maangaab iyo caado-qaatayaal waana in laga cayriyaa deegaanada Galmudug, waayo dadkaasi waa manaxayaal aan lahayn damiir, garasho fiican iyo diin.
 
X.Abdi-cad