Xarardheere: Waa U Siyaasad Xumo Galmudug In Ay Guluf Colaad Abuurto

Sabti, 10ka July, 2010.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

====================
 
Warar lagu kalsoonaan karo oo ka soo ifbaxaya Koofurta Gaalkacyo iyo gobolka Hobyo ayaa tilmaamaya in maamulka Galmudug uu qorshaynayo ama u tafaxeydan yahay in Maleeshiyadiisa ku abtirsata Jimciyadda loo bixiyay Samatariya-Suufiyada in ay dagaal aan laga fiirsan ay ku qaadaan deegaanka Xarardheere oo ay hadda gacanta ku hayaan kooxda Xisbul Islaam. Sida warar sugani sheegayaan, Maleeshiyada Xisbul Islaam oo hadda kataliya degmada Xarardheere waxay badankood kasoo jeedaan deeganada Cadaado iyo Dhuusamareeb ama haddii si kale loo dhigo waa rag Habar GIdir ah, mana jirto wax dhib ah ama maamul xumaa oo ay ku hayaan deegaanka Xarardheere amaba is-balaarin ay wadaan sida muuqata.
 
SIdaas daraateed, maamulka hadda sheegta in uu kataliyo Galmudug waa u siyaasad xumo, qar iska tuurnimo iyo balaayo aan loo joogin lugo laraadsasho haddii ay dagaal ku qaadaan Maleeshiyada Xisbul Islaam oo gacanta ku haysa Xarardheere waayo Maleeshiyadaasi wax qatar ah kuma hayaan deegaanada Galmudug, deetana majirto sababo loo abuuro colaado ku keeni kara deegaanada Koofurta Mudug dagaalo lagu riiqmo, burbur iyo barakacyo.
 
Teeda kale, maamulka Galmudug waa curdan tabartiisu iyo towfiiqsu kooban tahay oo aysan marna ku habooneyn in ay colaado iyo dagaalo ku deg degaan ilamaa ay ka fursanwaa noqoto mooyee. Haddaba ma muuqato sabab uu maamulka Galmudug uu xiligan u abaabulo dagaalo iyo xasarado guluf colaadeed haddii aysan jirin dano gaar ah oo la meeleynayo ama la raali galinayo.
 
Gunaanadkii, maanta xaalka dadka iyo dalka Somalia wuxuu marayaa meel halis ah oo wuxuu mar kale dalka Somalia (bartamaha iyo koofurta Somalia) qarka u saaran tahay in huwan cadowyo ah oo ay hoggaamineyso dowladda Ethiopia in ay markale xasuuq ba'an geysteen, dabadeedna dadka iyo dalka Somalia laga dhigo xero edegyo qabaa'ilo(tribal fiefdoms) oo ay Ethiopia u taliso oo adoonsato. Haddaba maamulka Galmudug waxaa ku aadan in uu maqlo dhawaaqa iyo dareenka shacabka Koofurta Gaalkacyo oo maanta dhigay mudaharaad (public rally protests) ay oga soo horjeedaan in maamulka Galmudug oo uu hadda garwadeenka ka yahay Maxamed Axmed Caalin, uu dagaal ku qaado deegaanka Xarardheere. Dagaalo loo arki karo in dano gaar ah laga leeyahay islamarkaasna caamada loo tusayo in dagaalku ku saleysan yahay Caqiido, waxaa ka dhalan karo halaagyo ummadda saameeya guud ahaan oo keena colaado iyo bur bur baaha, mana ahan wax reer Galmudug dani ugu jiro habayaraatee iyo guud ahaan gobolka Mudug.
 
Waa wax fudud in xasarado dagaal la abuuro;
balse waa amuur aad u adag in xasaradahaas dagaal la joojiyo.
 
 
By Hassan Shirwa