Maammulka gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug
oo horumarweyn ku tillaabsaday kuna guulaysatay habsami-u-hirgalinta
hawlihii loo doortay.
Guddoomiyaha gobolka Hobyo G/Sare
Max'ed Axmed Caalin ayaa muddooyinkanba ku guda-jiray hirgalinta
hawlihii maammulka gobolka xeebta ah ee Hobyo, oo ka tirsan
Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee GalMudug.
Guddoomiye Caalin
oo ku Qaxweysanaaya Baar ka mid Baararka Magaalada Taariikhiga
ah ee Hobyo Godan -
Mudane Caalin, oo dhawrkii bilood
ee ugu dambaysay ku sugnaa xaruntiisa magaalada Hobyo, oo 245 km
dhanka Bari ka xigta magaalada Gaalkacyo, ayaa har iyo habaynba waxa
uu ku hawllan yahay gudashada waajibaadkiisa kala gaddisan. waxaana
hawlaha muhiimkaa ee uu qabtay illaa iyo haddda ka mid ah
hir-galinta Qaybihii kala duwanaa ee maammulka magaalo-madaxda
gobolka Hobyo.

Guddoomiyaha Gobolka Hobyo mudane
Max’ed Axmed Caalin ayaa dhamays-tiray dhismihii qaybihii iyo
waaxyihii maammulka. Waxaana si habsami-leh ugu soo noqday magaalada
hobyo Amnigii iyo kala-dambayntii. Ka dib markii uu maammulka
gobolku uu diyaariyay hawl-galiyayna Ciidammadii Booliska gobolka
Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug. Waxaana si firfircoon magaalada
Hobyo uga socoto Canshuur-Uruurinta Dawlad-goboleedka GalMudug.
DUGSIGA HOOSE DHEXE EE HOBYO
MUDUGNET.COM

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka
Hobyo mudane Max’ed Axmed Caalin, waxa uu shirar kala duwan la
yeeshay wax-garad iyo odayaal ka kala tirsan beelaha SACAD,
SALEEBAAN, SHIIKHAAL iyo beesha Bad-leyda ah ee JAAJI. Wuxuuna
guddoomiyuhu kala hadlay Nabad-galyada, Daris-wanaagga iyo wax-wada-qabsiga
beelaha. Taasoo uu ku nuuxnuuxsaday in siyaasadda GalMudug ay ku
salaysantahay.
Hobyo General Hospital
C/Naasir C/Laahi Cabdi (Shuuke
Xogollof) oo madax ka ah urur Samo-fal ah oo lagu magacaabo SOSDA
(Somali Society Development Association), kana tirsanaa wafti
ballaaran oo guddoomiyaha gobolka Hobyo Col. Caalin ka raacay
magaalada Gaalkacyo markii uu ka tagay, ayaa iiga warbixiyay hawlaha
kala duwan ee uu wado maammulka gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka
GalMudug. Wuxuuna ii sheegay mudane Shuuke in guddoomiye Max’ed
Axmed Caalin uu xoogga saaray soo-noolaynta adeegyada muhiimka ah ee
bulshada. Isagoo ugu horrayntiiba gacanta maaammulka ku soo celiyay
xarumihii maammulka iyo goobihii adeegyada bulshada oo muddo dheer
ay xaafado ahaan u degganaayeen dad shacab ah.
Madaxa ururka Samafalka SOSDA
Shuuke Xogolof oo Deeq Buugaag ah Gudoonsiinaaya Gudoomiye
Caalin

Guddoomiyaha gobolka Hobyo ee
Dawlad-goboleedka GalMudug G/Sare Max’ed Axmed Caali, oo gacan ka
helaya bulshada ku nool magaalada Hobyo, ayaa billaabay abaabbulo
dib loogu furayo xarumaha muhiimkaa ee adeegyada bulshada ee horay u
xrnaa. Sida Isbitaalkii iyo Dugsigii H/Dhexe ee magaalada Hobyo.
Ayadoo lagu guulaystay illaa iyo hadda furitaanka Dugsiga H/Dhexe ee
magaalada Hobyo. Waxaana si rasmi ah xarigga looga jaray Dugsiga H/Dhexe
ee magaalada Hobyo. Waxaana xusid mudan in aqabka waxbarashada
aas-aasigaa sida;buugaag, tabaashiir, iwm ay ugu deeqeen Dugsiga H/Dhexe
ee magaalada Hobyo Ururrada Waddanigaa ee kala ah SOSDA iyo SDRO.
Waxaa kale oo jirta in macalliinta ka shaqaynaysa Dugsiga H/Dhexe ee
magaalada Hobyo ay yihiin kuwo ku shaqaynaya si mutaddawacnimo ah.

Guddomiye
Caalin oo Kormeeraya Dugsiga Hoose/Dhexe ee Hobyo
Waxaa kale oo dib loo furay
isbitaalkii magaalada Hobyo, oo isna in badan xirnaa. Waxaana lagu
sameeyay dib u habayn. Inkastoo isbitaalka Hobyo uu u baahanyahay
dayac-tir, Daawooyin, Qalab caafimaad, iwm. Kuwaasoo maammulka
gobolka Hobyo uusan awood dhaqaale haynin.

Waxaa kale oo la diyaar u
ah inay hawl-gaan hay'adihii maammulka ee dhammaan degmooyinka uu ka
koobanyahay gobolka hobyo. Waxaana la filayaa inay mar dhaw
degmooyinkaas ka billaabato Canshuur-uruurinta gobolka Hobyo ee
Dawlad-Goboleedka GalMudug.
Dayactir xoog leh oo ka socda
Dugsiga Hoose/Dhexe ee Hobyo oo ay iskaa wax u qabso ku
fulinayaan Dadka Deegaanka
Waxaa xusud mudan, shacabka
gobolka Hobyo oo si weyn u garab istaagay maammulkooda. Waxxayna
reer Hobyo si mutaddawacnimo ah uga qayb-qaateen olole ballaaran oo
nadaafadeed oo lagu soo celinayay bilicdii iyo quruxdii ay lahaan
jirtay magaalada qaddiimkaa ee Hobyo-godan. Waxayna ka
faa’iidaysanayaan dadka gobolka Hobyo ee GalMudug State nasiibkooda
wanaagsan oo ah inay heleen hoggaaamiye wanaagsan oo ah G/Sare
Max’ed Axmed Caalin, guddoomiyaha Gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka
GalMudug.
MudugNet.com

Dhanka kale, Nabad-doon C/Laahi
Max’ed Ducaale ( Claahi Fayf), oo ka tisan golaha Guuurtiga
Dawlad-goboleedka GalMudug, oo reer Hobyo ah, dhawaanna ka soo
laabtay magaalada Hobyo, kana tirsanaa waftigii ballaarnaa ee uu
hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hobyo mudane Max’ed Axmed Caalin,
ayaa waxa uu ii sheegay war fiican. Wuxuuna Nabadodoon C/Laahi Fayf
ii sheegay inay magaalada Hobyo ugu yimaaddeen odayaal iyo wax-garad
kale oo ka tirsan beesha SALEEBAAN. Wuxuuna nabad-doon C/Laahi Fayf
intaas ku daray in waftiga reer XAAJI SALEEBAAN ay u sheegeen inay
rabaan inay ka mid noqdaan Dawlad-Goboleedka GalMudug. “ Waan soo
dhaweynnay talada ay soo jeediyeen Walaheen SALEEBAAN inay ka mid
noqdan Dawlad-goboleedka GalMudug. Waxayna noo sheegeen odayaashii
SALEEBAAN inay shir ugu yeerayaan magaalada Xarar-dheere beelaha
SARUUR, CARY BARI iyo WACAYSLE ee degmada Xarar-dheere wax ka daga.
Shirkaasna ay ugu soo bandhi doonaan in iyaga iyo beelahaasiba ay
ku soo biiraan maammulka Dawlad-goboleedka GalMudug” ayuu yiri
nabad-doon Claahi Fayf, oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ugu yaraan
beesha SALEEBAAN (Obokor) ay ku soo biiri doonaan Dawlad-goboleedka
GalMudug.

Gudoomiye Caalin oo shir kula Yeeshay Xafiiska Guddmiyaha
Degmada Hobyo, guddiga Maamulka Gobolka Hobyo
Calideeq Max’ed Xaashi.
nabadda1@hotmail.com
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya