DEKEDDA MUQDISHO – DHAQANKA CEEL MACAAN
Tan iyo Markii ay Maxkamadihii Islaamka Somaalia ee lamahadiyay ay meesha kabexeen waxaa dalka Somalia ka bilaawday Cadaalad darro ay ku dhaqaaqayaan Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda oo Ilaha dhaqaalaha dalka ee lays dhihi karo Manfac ayay leeyihiin umagacaawday Dad ay isku beelyihiin xataa Juffa hoosaad ay isku yihiin si ayna u weyn dhaqaalaha dalka.
Dekekedda magaalada Muqdisho waxay ka mid tahay meelaha ugu balaaran oo ay dhax ceegaagaan Dhaqaalaha Umadda Soomaaliyeed ee aan la kala xigan loona baahanyahay in si siman ay uqabysadaan Shacabka Soomaaliyeed.
markii ay Dowladda FKG Somalia ay Muqdisho soo caga dhigatay waxay magacaawday Maareeyahay Dekadda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo uu magacaabay Cali Max'med Geedi R/wasaarihii hore ee Somalia waxaana xilalkaas loo magacaabay Niman ay isku beelyihiin Cali Geedi balse markii dambe waxaa la bedelay Maareeyahya Garoonka Diyaradaha Muqdisho oo loo dhiibay Nin aan ku beel ahayn Cali Geedi.Copyright MudugNet.comCopyright MudugNet.com
Somaalidu wax ma kala qarsato haddii ay kal qarsatana ma qarsoomaan oo waxaa soo baxa wixii la qarinayay, runtii Cali Geedi wuxuu ahaa Nin ay qabyaaladdu ku dheertahay aan ogolayna in Cid aan Jufadiisa ahayn ay Manaafacaadsato Jagooyinka fara kutirska ah ee la dhihi karo waxay ushaqeeyaan sidii loogu talagalay.
Maqaalkan waxaan ku eegaynaa qaabka ay u Shaqayso Dekedda Muqdisho iyo qaabka ay u tasarufaan Guddiyada u xilsaaran socodsiinta Dekedda ee Xilkaas loo dhiibay, sida ay Shirkadaha Ganacsiga Muqdisho u arkaan Maamulka Dekadda Muqdisho iyo Suurtagalnimada in Dekadda Muqdisho ay u xiranto Cadaalad darro iyo Nin jeclaysi,Farqi caynkee ah ayaa u dhxeeyo Dekedda Muqdisho iyo tii Macmalka ahayd ee Ceelmacaan.Copyright MudugNet.com
Cali Max'med Geedi R/wasaarihii ee hore ee Somalia wuxuu Maareeyaha Dekadda Muqdisho umagacaabay Cabdi Jiinoow Calasoow oo ah Nin ay isku beelyihiin Cali Geed Max'med Dheere iyo inta badan Shaqaala hoosaayada Dekadda Muqdsiho.
Markii la magacaabay Maareeyaha Dekadda waxaa durbadiiba bilaawday in la soo dhiso Gudiyadii Dekedda ee lagama maarmaanka u ahaa kala hagidda howlaha dejinta iyo Rarista Dekadda Muqdisho waxaana inta badan Howlaha Shaqo ee Dekadda Muqdisho si amar ku taaglayn ah ugu tasarufa Dad wada qaraaba ah oo uu hor boodayo Cabdi Jiinoow Calasoow Mareeyaha Dekedda Somalia ugu wen ugana Kheyraadka badan.
Nasiib Darro waxaa Shaqada Dekadda dhulka la galay Laaluush iyo Dulmi aan Xalaal ahayn oo gef ku ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsigii Xorta ahaa ee ka jiray, Dekadda ayaa naqday mid xir-xiran oo Gacanta ugu jiro Ilama adeero Ahdaaf gooni ah leh waxaadna moodaa in Maraayeeyaha Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinoow iyo Ilma adeersadiisa la shaqeeyo ay u guntadeen sidii loo cuuryaami lahaa Dhaqaalaha Shacabka Muqdisho.Copyright MudugNet.com
Waxa ka socdo Dekedda Muqdisho waxay u eg yihiin wixii ay caanka ku ahayd Dekaddii Macmalka ahayd ee Ceelmacaan oo ay Gacanta ku hayeen Qabiil kaliya oo aanay cid kale la maamulayn taasina Gar bay ahayd oo Dalka xiligaas waxaa ka jiray Qabiil , hadda waxaa jiro wax maamul Dowli ah u eg haba xumaadee hadana waxa laga hadlayo waa Hantidii u wada dhaxaysay Shacabka.
Sicir Bararka baaxada leh ee ku yimid Qiimaha Ascaarta Muqdisho waxaa sabab u ah maamul xumada ka jirto Dekadda Muqdsisho oo sida ay rabaan kayeelaan Wiilal ilama adeera ah, Dhaqaalaha kasoo xaroodo Dekadda Muqdisho waxaa lagu maalgeliyaa Beel ka mid ah beelaha Muqdisho oo aan xaq u lahayn in kaligeed ay Dhurarto Dhaqaalaha Dalka taas oo ah Beesha uu kasoo jeedo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Cabdi Jiinoow Calasoow.
Copyright MudugNet.com
Waxaa ayaan darra ah in Dhaqaalihii Umadda u dhexeeyay lagu abuuro Colaad iyo dagaal sokeeye, Maraayaha Dekadda Muqdisho wuxuu Malaayiin Dollar siiyaa Max'med Dhere iyo Axmed Cumar Jaandhaay oo la ogyahay in Dagaala Sokeeye uu kawado Gobalka Sh/dhexe.
Warar Xaqiiq ah oo la ogaaday waxay tilmaamayaan in Maareeyaha Dekadda Muqdisho Cabdi Jiinoow uu Isbuuc kasta Iibsado Tobaneeyo Baabuur oo ah kuwa dagaalka lana doonayo in lagu hubeeyo Beeshiisa si loo wiiqao Nabadda Somalia isla markaana uu isku difaaco Haddii laysku dayo in Xilka laga qaado.
Dhibaatada ugu daran waxay kataagantahay sidii aan horayba usoo sheegnay Guddi hoosaadyada Dekadda oo si Qabyaalad qaawani ku dheehantahay loo dhisay waxayna ka kooban yihiin sidan.
SHIRKADDA XOOGSTADA EE MMD
Shirkadani waxay Maamushaa Xamaaliga faraha badan ee wax ka dejiyo kana raro Dekadda Muqdisho oo ah Dekadda ugu mashquulka badan Soomaaliya marka laga reebo Dekadda Boosaaso, waxayna si caadi ah u hoos tagtaa Maareeyahay Dekadad Muqdisho Cabdi Jiinoow Calasoow oo jeebka ku shubta wixii dhaqaala ah ee ka soo galo mana Ogola in dhaqaalaha ama qaabka shaqada ay soo fara geliyaan shirkadaha kale.
Qaar ka tirsan Shaqaalaha Dekadda ayaana la yaaban sida ay wax u socdaan oo ah kuwa xaaran ah dhaqaalaha kasoo xarooda qaybtan ayaa ah mid aan laqayaasi karin Shaqaalaha Xamaaliga ah wuxuu cabdi Jiinoow siiyaan wax kayar 40% oo ah wax ka fog caqliga Bini aadmiga.
Akhisrtoow waxaa layaableh in Nin Mas'uul sheeganayo uu qaato Dhaqaalihii ay soo shaqaysteen Xamaalatadii Masaakiinta ahaa ee mudnaa in lagarab qabto, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Cabdi Jiinoow Calasoow wuxuu si aaan qarsoonayn Jeebka ugu shubtay Lacagihii Xamaalatada Dekadda Muqdisho oo Dhabarkooda wixii ay kusoo xamaaleen uu si fudud uqaato isagoo Kursigiisa Dhal-dhalaalka badan ku fadhiyo.
Damiirlaawe Qabyaaladiiste Cabdi Jiinoow Calasoow oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu magacaaban Marsada Muqdisho ayaa kula dhaqmo Xamaalatada Masaakiinta ah Oraahdii ahayd " WAXAAN KUSAARO QAAD WAXAAN KUSIIYANA QAADO".
SHIRKADDA DHUXUSHA
Dhoofinta dhuxusha Soomaaliya waxay ka bilaabatay Horraantii sandii 1992-dii Xiligaas oo ay bur-burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya, wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa caadi iska naqaday in la jaro Dhirta Dhulka Soomalia oo loo iibgeeyo Wadamada Khaleejka iyo kuwa reer Galbeedka.
Dhirta Quruxda badan ee Alle ku manaystay dalkeena Soomaaliya waxaa ku socdo xaalufin ay ku wadaan Damiir laawayaal uu Cabdi Jiinoow u fududeeyay in ay ka dhoofiyaan Dekadda Caalamiga ah ee Muqdisho.
Xiligii ay Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ka arriminayeen Sooomaaliya waxaa yaraatay Jarista Dhirta Soomaaliya maadama ay Maxkamadaha Islaamku ay xadideen Dhoofinta Dhuxusha, Sahacabka Soomaaliyeed xiligaas waxay Dareemeen Neecaaw iyo Farxad maadaama ay Islaamiyiintu ay Hakiyeen Xaalufinta Dhirta Soomaaliyeed.
markii la maja Xaabiyay Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya waxaa durbadiiba banaanka iskeenay Ganacsatadii ay Maxkamaduhu u diideen Dhoofinta Dhuxusha.
Inta badan Ganacasatada dhoofiso Dhuxusha ayay Isku juffa yihiin Geedi iyo Jiinoow taas oo ku riixday Geedi in uu Mooshin hor geeyo Golihii Wasiirada ee xiligaas ,si kastaba ha ahaatee horaantii Nov- sanadii 2007 ayay Dowladda Federaalka Somalia ogolaatay in la dhoofiyo Dhuxusha gaar ahaan waxaa loo ogolaaday Hal Shirkad oo ay leeyihiin Ganacsato ay qaraaba yihiin Geedi iyo Cabdi Jiinoow waxaana muuqato in Mooshinkii uu Geedi hor geeyay Golihii Wasiirada ay dabada kasoo riixayeen ganacasatada ay qaraabada yihiin Cabdi Joonoow iyo Cali Geedi.
Golohii wasiirada ee Xiligaas waxay Ogolaadeen in Dekadda laga dhoofiyo Dhuxul Cadadkeedu uu dhammaa 2,000,000 oo Jawaan taas bedelkeed waxaa dalka laga dhoofiyay 4,000,000.
Markii ay dhamaatay Mudadii Sedaxda Bilood ahayd ayuu qiima kac xoogan ku yimid qiimaha ay Dadka reer Muqdisho ku iibsan jireen Dhuxusha oo uu usara ukac ku yimid.
arrinataas ayaa waxaa siweyn uga carooday Mudanaasyha Baarlamnaka Dowladda Federaalka Soomaaliya sii socoshada Dhoofinta Dhuxusha.
Gudoomiya K/xigeenka Koowaad ee Barlamanka dowladda Max'med Cumara Dalxa oo u muuqday Nin la maroor Dilaacsan Damiir Xumada Cabdi Jiinoow ayaa si xanaaqleh ku yiri " Shacabka reer Muqdisho waxaan kula talin lahaa in ay Bililiqaystaan dhuxsha laga daabulayo Dekadda Muqdisho Halka ay ka Bililiqaysnayaan alaabaha Ganacsiga caadiga ah".
Dhuuxusha faraha badab ee laga dhoofiyo magaalada Muqdisho waxaa qaabilsan Hal Shirkad oo kaliya ayna leeyihiin Ganacsato ay isku Juffa Hoosaad yihiin Maareeyaha Dekadda Muqdisho Cabdi Jiinoow, waxaa jirto in ay jiraan Kumanaan Ganacasata ah oo ka ganacsado Dhuxusha oo doonayo in ay Dekadda ka dhoof sadaan Dekadda balse nasiib xumo ganacsatadaas Qaraaba lama ahan Cabd Jiinoow Maareeyaha Dekadda.
waxaa si aan shuruud lahayn loogu ogolyahay Dhoofinta Dhuxusha Ganacsato ay isku jilib yihiin Cabdi Jiinoow Taas oo khilaafsan Nidaamkii la sheegay in uu yahay Dowli, waxaa intaas Dheer Caga Juglayn iyo Handadaad loo gaysto Ganacsatada Soomaaliyeed ee doonaya in ay Dhoofsadaan Dhuxusha.
Dhuxusha faraha badan ee laga dhoofiyo magaalada Muqdisho waxaa qaabilsan hal Shirkad oo kaliya ayna leeyihiin Ganacsato ay juffa hoosaad yihiin maareeyahay dekaddaa Muqdisho Cabdi Joonoow, waxaa jirto in ay jiraan Kumanaan Ganacsata ah oo ka ganacsado dhuxusha oo doonayo in Dhuxusha ay ka dhoofsadaan Dekadda maadaama waqti xadidan ay Dowladdu uqabatay Dhoofinta dhuxusha balse Nasiib xumo Ganacsatdaas qaraaba ma ahan Cabdi Jiinoow Maareeyaha Dekedda.
Waxaa si aan shuruud lahayn loogu ogolyahay Dhoofinta Dhuxusha Ganacsato ay isku Jilib yihiin Cabdi Jiinoow taas oo khilaafsan Nidaamkii la sheegayay in uu yahay Dowli waxaa intaas dheer caga juglayn iyo handadaa loo gaysto ganacsatada Soomaaliyeed ee doonayso in ay dhoofsadaan dhuxusha.
SHIRKADDA SAHAYSIINTA MARAAKIIBTA
Shirkadani waxay qaabilsantahay Sahay siinta Maraakiibta kaladuwan ee kusoo xirato Dekedda Muqdisho waxaana kasoo xaroodo lacag aad ufarabadan oo ku dhacdo Jeebka maareeyaha Dekedda Cabdi Jiinoow qaab sharci darra ah mana mid mahan Dhaqalaha galo Qasnada Dowladda.
Maraakiibta ku soo xirato Dekedda Muqdsiho waxaa sahayda Siiyo oo kaliya ganacsato ay qaraaaba yihiin Cabdi Jiinoow gaar ahaan waa kuwii Dekadda Ceelmacaan uqaabilsanaa Sahay siinta maraakiibta.
qaar katirsan Shaqaalaha Dekadda ee Muruq maalka ah waxay noo sheegeen in lacago aan madax geli karin sahay lagu siiyo Maraakiibta kusoo xirata Dekadda Muqdisho tusala ahaan halkii Neef oo ari ah waxaa lagusiiyaa maraakiibta 100$ Dollar iyadoona Khudaarta iyo waxyaabaha kale ugu yaraan 200$ ay kuqaataan Shaqaalaha ay qaraabada yihiin Cabdi Jiinoow Maareeyaha Dekedaa Muqdisho.
Fuustadii Shidaal ah ayay Shaqaalaha iskuwada beesha ah kasiiyaan maraakiibta sahay doonka ah Lacag aan laqiyaasi karin mana ogola maareeye Jiinoow in Ganacsatada kale ee aan ku beesha ayahyn uu wax kasiiyo shaqooyinka Dekedda Muqdsiho isagoo si aan caadi ahayn unaas nuujiyo ganacsatada ay qaraabada hoose yihiin.
SHIRKADDAQALABKA CULUS (HEAVY MACHINERY)
Sida la wada ogsoon yahay Dekeddu waxay lahaan jirtay qalab sida wiishash, foorliifyo iwm MudadIi dagaaladIi dhaman waa la bililiqeystay , waxaa haDda si joogto ah uga shaqeysto qalab ay leeyihiin dad ehelo la ah Maaareeyaha, waxaana jirto qalab ay ugu deeqeen Hey’adda WFP iyo hey’addo kale oo loogu tala galay Dekedda Muqdisho, Maareeyuhu wuxuu si dadban u hor istaagay in qalabkaasi uu Dekedda yimaado si eheladiisu ayna uweyn dhaqaala farabadan oo ay si sharci darra ah iminka uqaataan.
waxaa jiro balan qaadyo ay sameeyeen Hay'addo daneeyo dib udhiska Dekadda Muqdisho sida Shirkado laga leeyahay Dalka UAE oo sheegay in ay bixinayaan qalab aad ufarabadan oo ay Dekaddu ubaahantaya si loo daboolo baahida Dekadda balse waxaa arrintaas Gashaanka udaruuray cabdi Jiinoow si ayna meesha uga bixin danaha Ganacsatada eheladiisa ah.
SHIRKADDA GAADIIDKA XAMUULKA QAADA
Shirkaddan waxay gacanta ugu jirtaan Shaqsi ay isku Juffa yihiin Mareeyahay Dekadda Muqdisho wuxuuna ka qaataa gaadiidka Xamuulka qaado Lacago aad ufarabadan oo aan uqalmin in laga qaado Xamuulka kuwaas oo ah lacago Baad ah qiima kororna ku keentay Badeecadaha lagu iibiyo magaalada Muqdisho.
Halkii gaari ee xamuul ah ee gudaha ugalo Dekadda Muqdiso waxaa laga qaadaa lacag dhan 15000 Shili Somali ah taas oo ah Sharci darro waxaana xusid mudan in lacagataasi ayna ku dhicin qasnadda Dowladda oo ay jeebka gashtaan qaraabada Maareeyaha Dekadda Cabdi Jiibnoow, maalin kasta waxaa Dekadda Badeeco kasoo daabulo ku dhawaad 500- oo Baabuur maalintii ay ugu yartahay waxaana mid kasta laga qaadaa 15000-Shilin somalia ah.
DOONTA SECURITY-GA
Waaa Jirto Shirkad la sheegay in ay Sugayso Ammaanka Doomaha kusoo xirto Dekadda Muqdisho kuwaas oo ay leeyihiin Ganacsato Hal Beel ka soo wada jeeda oo Maroorsaday dhinaca Ammaanka gaar ahaan waxay isku hayb yihiin Maareeyaha Dekadda.
Ganacsatada la soo degta Alaabaha waxaa lagu qasbaa in ay Bixiyaan Lacago Xad-dhaaf ah, Shirkadan sheegato in ay sugayso Ammaanka doomaha ayaa Maraakiibta soo gelbiso wax kayar 1KM iyadoo Shacri ahaan ay ahayd in Maraakiibta lagasoo Gelbiyo 30Km-35Km sidii waagii Ceel Macaan oo ay jireen Shirkado Ammaan .
Waxaa muuqato in Maareeyaha Dekadda Muqdisho Cabdi Jiinoow uu gabay Xilkii loo doortay maadaama uu wado Qabyaaladaysi iyo Nin tooxsi, intabadan Ganacsatada wax kalasoo dega Dekadda Muqdisho ayaa fahamay Qayaalada uu ku dhaqmo Damiir laawe Cabdi Jiinoow, qaar ka tirsan Ganacsatada waaweyn ayaa bilaabay in ay Muqaawamada Maalkooda ku taageeraan si ay Dalka si sahlan ugu qabsadaan taas oo soo de-dejin karta in Maamulka Sheex laawe Cabdi Jiinoow uu meesha uga baxo
SHIRKADDA XARGAHA
waa shirkadda kaliya ee leh shaqsiyaad caadi ah waxaana dhawaan Maareeyaha Dekedda Qarameeyay Xargihii shaqsiyaadka ka dib markii lagu soo rogay in 40% lacagta ay helaan ay siiyaan Abdi Jiinow, amarkii ayay ka dhaga adeeegeena lagala wareegay xarkahooda taas oo dhalisay in cabdi Jiinoow uu si caadi ah u naas nuujiyay Eheladiisa
QEYBTA SHAQAALAHA
Qaybta shaqaalaad Dekadda Muqdisho waxaa Madax u ah Ehelada Maareeyaha oo qorto ciddii ay rabaaan cidii kalana u diido shaqada, Cabdi Jiinoow Maareeyaha Dekadad Muqdisho wuxuu shaqalaysiiyay Boqolaal qof oo ay qaraaba yihiin halka uu Boqolaal kale ka Eryay shaqadii.
Dad dhawaan laga soo eryay Shaqadii ay ka hayeen Dekedda ayaa sheegay in Maalin kasta ay xafiiska Maareeyaha yimaadaan Dad reer Miyi ah oo ay qaraaba yihiin Cabdi Jiinoow maalin ka dibna si toos ah ayay Shaqada u bilaabaan taas Bedelkeedna Shaqaalaha caadiga ah oo aan beeshiisa katirsanayna waa uu cayriyaa.
SHEEX LAAWE
Waa Gaari Caan ah oo uu shaqsi ahaan uu Maareeyaha leeyahay waxuuna uu bedeecada ka qaadaa Dekedda Muqdisho 2 – 3 mar maalintii halka gawarida kale ee tooko ugu soo aado bishii ama labadii bilba mar halka aan asiga hakad la geli Karin asagoo markuu doono ka soo galayo Albaabka Exit loogu tala galay kana baxayo albaabka enrance.
Wakiilada Maraakiibta (Ship Agencies)
Wareysi aan la yelanay mid ka mid ah wakiilada maraakiibta wuxuu ii sheegay in safar waliba uu yimaado lagu kordhiyo lacagaha adag ay dekedda qaato in ka badan 20% halka Dekedaha Caalamka la dejiyay Tariifadooda tobonaan sano ka hor is bedel aanu ku dhicin “ Safar waliba oo aan imaado Dekedda Muqdisho waxaa nalaga qaadaa lacaga ka dheeri ah lacagihii aan hore u dhiibi jirnay, waa arrin aan macquul aheyn oo aan xataa ka jirin dekedaha kale ee Dalka sida Kismaayo iyo Boosaaso” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Wakiilada maraakiibta oo diiday in uu sheego magaciisa sababo xaga amaanka ah .
Isku soo wada duudoow Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa u dhaqma sidii nin hogaamiye kooxeed ah
isku soo wada duuboo waxaa la dhihi karaa Dekadda Muqdisho waxay Gacanta ugu jirtaa Nin iyo Ilma Adeeradiis aan doonayn in wax lala qaybsado , Haddii ay arrintu sidaan kusii socoto waxay keeni kartaa in gacmaha layskula tago haddii ay burbirto Dowlad ku sheegan Xilalka udhiibtay Qabiilada Dhiig miiratada ah oo aan Cadaalad iyo Diin wax ka aqoon
Mudugnet Editorial