

Ganacsato
Lagu Dilay Waqooyiga Magaalada
Gaalkacyo
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 17ka Luulyo, 2010.
Maqribnimadii
Caawa waxaa xaafadda Israac ee
waqooyiga Galkacyo lagu
rasaaseeyay Gaari Nooca loo
yaqaan Qooqanta oo ay wateen
ilaa sadex ruux oo lasheegay
inay ahaayeen Ganacsato
Magaalada Caan ka ah waxaaana
Goobta ku geeryooday labo ka mid
ah halka mid kalana uu ka
baxaday Goobta uu shilka
kadhaacay
Dad ka ag
dhaw halka dilka uu ka dhacay
ayaa Mudugnet.com u
sheegay in ay arkayeen labo nin
oo hubaysan rasaasna la
beegsaday Gaariga kadibna Goobta
ka baxsaday waxaana Goor danbe
halkaasi gaaray Ciidamada
Amaanka Maamulka Puntland ee
Waqooyiga Galkacyo ayagoona kala
Erayay dadweyne meesha dadka
lagu laayay ku soo xoomay
maydkana qaaday Saraakiisha
Amaanka Puntland waxay sheegen
inay wadaan Baaritaano xoogan oo
lagu Ogaanayo dilka Nimanka
Ganacsatada ah
Goobta lagu
dilay labda ruux ayaa waxaa
horay U daganaa Ciidmada Loo
yqaan PIS-Ta puntland oo meesha
ka guuray dhawaan Mana ahan
markii ugu horaysay oo dil
caynakan ah uu ka dhaco
waqooyiga Magaalada Galkacyo ee
Gobolka Mudug
Cabdalla
Max’d C/lle
Muduget
Galkacyo