

Ciidamada
Amaanka Puntland oo Qabtay
waxyaabaha qarxa oo la galiyay
wadada aada Ariborka Gaalkacyo
MudugNet, Muqdisho, Axad, 18ka Luulyo, 2010.
Saraakiisha
Ciidamada Amaanka Maamulka
Puntland ee Waqooyiga Magaalada
Galkacyo ayaa Maanta Gacanta Ku
dhigay waxyaabaha qarxa oo la
galiyay meel wado hareerteeda ah
Gaar ahaana xaafadda israac
jidka ubaxa Ariborka Galkacyo
Dadka
deegaanka xaafaddda israac ayaa
Ciidmada Amaanka ku wargliyay in
waxyaabaha qarxa la galaiyay
meel Guri filo iridkiisa ah
kadibna ay Ciidamada soo saareen
qalabkaasi oo ka koobnaa labo
daasadood oo ay ku jiraan
baaruudda qaraxda sida Taliayaha
Qaybta Police-ka Puntland Muuse
Cabdi raxmaan xasaasi saxaafadda
usheegay waxay sidoo kale
Gacanta ku dhigeen nin lasheegay
inuu waxyaabaha qarxa uu aasayay
haatan lagu hayo Xabsi
sharcigana dhawaan la soo
hortagayo sida uu taliyaha uu
usheegay Maanta.
Cabdalla
Max’d C/lle
Mudugnet
Galkacyo