Mas’uliyin Ka tirsan Galmudug  oo uu Hogaaminayo Madxweyne kuxigenka Ayaa Maanta ukicitimay Magaalada Muqdsisho ee kadib Casumaad ay kahelen DKMG.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 22ka Luulyo, 2010.

 

Wafdi Ka tirsan Maamulka Galmudug uuna Hogaaminayo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Md. Cabdi Samad Nuur Guuleed ayaa maanta ka dhoofay Gagida diyaaradaha Magaalada Galkacyo aygoo ku sii jeeda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda u ah Somaaliya

 

Wafdiga uu Hogaaminyo Md.Cabdi Samad oo ka kooban ilaa Sadex Xubnood waxaa ay kala yihiin Madxweyne Kuxigenka Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed, Wasiirka Maaliyadda ee Galmudug C/laahi Jaamac Dhoore {Indhoweyne}iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Ahna Afahayeenka Dawlad Goboleedka Galmudug Axmed Max’ud Xasan {Baasto}

 

In kasta oo safrka wafdigani ka tirsan Galmudug aan horay loo shacin hadana Afahyeen Baasto xili uu ku sugnaa Ariborka Galkacyo oo aan la xariirnay waxa uu Mudugnet.com usheegay in wafdiga uu ku wajahan yahay Muqdisho oo sida afhayeenka sheegay ay Casumaad ka heleen Dawladda Somaliya ee oo uu madaxweynaha ka yahay Shekh Shariif Afhayeen Baasto ayaa sheegay in Dawladda KMG ah iyo Maamulka Galmudug ay ka wada hadlayaan Arimo quseeya oo uu sheegay in ay wada shaqayn buuxda leeyihiin maalmaha soo socda ayuu xusay in ay ka warbxinayaan Socdaalkooda Muqdisho iyo waxa u qaobsooma haddii Alaah idmo Mana uusan Sheegin Mudada uu qaadanayo Safarkooda Muqdisho ay ku jooogayaan

 

Si kastaba Maamulka Galmudug ayaa a ka mid ah Maamul Goboleedyada hoos taga Dawladda Soomaaliya isla markaana waxaan la saadaalin Karin xiligan  waxa kus oo beegay in ay Galmudug Casumaad heer sare ah u fidiyaan Madaxda Ugu saraysa Dawladda Somaaliya.

 

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

Galmudug State SOMalia

 

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com