Arday Ka qalinjabisay Dugsiga Sare SYL Gaalkacyo oo la Gudoonsiiyay Shaadooyinkooda &Arday Heshay Deeq Waxbarsho Dibadda ah.


Daawo Sawirad
a


MudugNet, Muqdisho, Jimce, 23ka Luulyo, 2010.
 

Munaasabad Aaad u balaaran oo ay kasoo qayb Galeen Boqolaal Dadweyne Iskugu Jira Culimoudiin, Mas’uliyinta Galmudug,  Ganacsato, Dhaqaatiir, Macalimiin, Waalidiin, Arday, Iyo Qaybaha Bulshada ee Galmudug ayaa lagu qabtay Holka Hotelka Embassy Magaalada Galkacyo ee Xarunta Galmudug State

 

Munaasabadda oo iskugu jirtay Gudoonsiinta Shaadada  Ardayda dhamaysatay Dufcadda 3aad Dusgiga Sare SYL, Furitaanka Sanad Dugsiyeedka SYL, iyo Soo Bandhigidda Arday Heshay Deeq Waxbarasho Dibadda ah Waxaana Munaasabadda Qudbado ka jeediyay Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Sare SYL Madaxda Galmudug Ganacsadata iyo Ardayda Dugsiga Sare dhamaysatay oo Soo bandhigay Riwaayado ay uriyaaqeen ka soo qayb Galyaasha Xafladda Qalin Jabinta ka so qayb Gashay

 

Madaxa Jamciyadda Waxbarashada AL.Ixsaan Sheekh Muxiyadiin Shekh Yuusuf Barre oo Qudbad ka jeediyay Munaasabadda waxa uu Hanbalyo udiray Ardayda dhamaysatay waxbarasahda Dugsiga Sare Waxa uuna soo bandhigay ilaa tiro Arday Gaaraysa 26 oo Heshay Waxbarsahda Jaamacad dibadda ah oo uu Sheekha Sheegay in 4Arday Waxbarasho ka heleen Jaamacad ku taal Liibaya Halka 22 Arday ay heleen Jaamacad Dalka Yaman ah

 

Sheekh Muxiyadiin oo qayb weyn ka qaatay Horumarinta waxbarashada Deegaanada Galmudug isla markaana ahaaa Aaas-Aasihii Dugsiga Hoose Dhexe Al.Bader iyo Dugsiga Sare SYL ayaa Ganacsatada Galmudug iyo Maamulkaba ugu baaqay inay Gacan ka gaysataan sidii Kor loogu qaadi lahaa waxbarashsda Deegaanada Galmudug State Sidoo kale Ardayda qalin Jabisay waxa uu kula dar daarmay inay ilaal sadaan Shahaadooyinkooda siina wataan Waxbarasahda ilaa Heer Jaamacadeed

 

Ugu danabaytii Wasiirka Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal iyo Mas’uliyiin Kale waxay Shahaadooyin Gudoonsiiyeen ilaa 55Arday oo ka qalin Jabisay Dufcadda 3aad Dugsiga Sare SYL Galkacyo Galmudug State

 

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

Galmudug State SOMalia

 

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com



 

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo sawirada oo dhan