Gudoomiyaha Baarlamaanka
GalMudug Mudane Xasan Maxamuud
Hayl oo Safar ugu kicitimay
Magaalada Edmonton ee Gobolka
Alberta, Canada ee Shidaalka
laga qodo.
MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 22ka Luulyo, 2010.
Gudoomiyaha
oo Booqasho howleed ku joogay
magaaladan Toronto, ayaa aad ugu
bogay soo dhaweynta heerka sare
ah ee uu kala kulmay jaaliyadda
Soomaaliyeed ee magaalada
Toronto iyadoo kulankii
habeenimadii Sabtiga taariikhdu
aheyd 17ka July, 2010 ka
uu noqday mid taariikhda meel
wanaagsan ka galay kaasoo noqday
kulankii ugu xiisaha badnaa ee
Taariikhda ka dhacay magaalada
Toronto ee Canada.
Kulankaasi oo
ahaa mid ku saleysnaa
Soomaalinimo iyo Qaran doon ayaa
waxaa saldhig u ahaa baadi
goobka loogu jiro sidii loo soo
celin lahaa qaranimadii
Soomaaliyeed, Dhamaan
waxgaradkii halkaa ka hadlay oo
matalayay jaaliyadaha kala duwan
ee Soomaaliyeed ayaa si isku mid
ah ugu nuuxnuuxsaday sida ay
lama huraanka u tahay soo
celinta Sharafkii iyo
Qaranimadii Soomaaliyeed.
Gudoomiye
Hayl ayaa isaguna khudbad dhaxal
gal ah oo aad u qancisay marti
sharaftii madasha kulanka
joogtay ka jeediyay saldhig na
ay u aheyd mowqifka maamul
goboleedka GalMudug ee ku aadan
Dadka Soomaalida ah ee ka soo
bara kacay dagaalada haraadiyay
koofurta Soomaaliya, iyadoo
Gudoomiyuhu si cad u sheegay
iney GalMudug gacan walaaltinimo
iyo Islaanimo u fidiso
walaalhoda soo bara kacay ayna u
taraan wixii karaankooda ah
aysanna jirin wax farqi ah ee u
dhaxeeya dadka Barakacayaasha
iyo kuwa meesha Deggan ayna
yihiin dad walaalo ka ah xagga
Diinta iyo Somaalinimada.
Mudane Xasan
Maxmuud Hayl ayaa lagu wadaa in
maalinka Berito oo sabti ah uu
kulan balaaran la yeesho
Jaaliyadda GalMudug ee Magaalada
Edmonton, kulankaas oo la filayo
inuu noqdo mid aan ka dhicin kii
Toronto hadii Allaha awoodda
lihi ka raali noqdo.
wixii warar
ah ee ku soo kordha iyo Sawirad
Shirka anagaa idiin Soo tabin
doona hadii Alle idmo
hadba sida ay nagu soo gaaraan.
Gudoomiyaha
Baarlamaanka GalMudug ayaa dib
ugu soo laaban doona magaalada
Toronto, halkaas uu ka sii wadan
doono safarkiisa inta uga harsan.