Madaxweynaha Galmudug oo Xil ka qaadis ku Sameeyay Xubno ka Tirsanaa Maamulka oo uu ku Eedeeyay xil Gudasho La’aan


MudugNet, Muqdisho, Isniin, 26ka Luulyo, 2010.

 

Madaxweyanha Dawlad Goboleedka Galmudug State Col. Max’d Axmed Caalin oo Shir Jaraaid Maanta ku qabtay Xarunta Madxtooyada ee Galkacyo waxa uu xilalkii ay Hayeen ka xayuubiyay ilaa 3 Mas’uul oo horay uga tairsaana Maamulka Galmudug State

 

Wareegto uu xilka kaga qaadayo xubnahaasi ayaa waxaa ku qoron Qodobo ka mid ah Dastuurka  Galmudug iyo Gudasho la’aan wajibaadkooda sahqo ee Mas’iliyinta xilka laga qaaday oo Sidaoo kalana uu ku eedeeyay Madaxweynaha inay ku keceen taalbooyin ka dhan ah Maamulka Galmudug State ,waxaana xubnaha xika ay k ahayeen mamaulka laga qaaday ay kala yihiin

 

1.Cali Diiriye Aloore Ex.Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda Amniga

2.Daahir Jaamac Mataan Ex.Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda A/Gudaha

3.C/Raxmaan Ibrahaim Khayre {Ganey} Ex. Xoghayihii Gobolka Mudug.

 

Wareegtada Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa ku qoran  in wixii Maanta ka danbeeya xubnahaan ka mid yihiin shacabka caadiga ah ee Galmudug aysan wax xil ah ka hayn Mamaulka Sidoo kalana waxa uu Madaxweyne Caalin Digniin ujeediyay Shaqsiyaad uu ku sheegay inay Caadaysateen inay ku kacaaan falal maamulka ka dhan ah uuna xusay in lala xisaabtami doono

 

Xubanaha Maanta Madaxweyne Calain xilka ka qaady ee Sadexda ah ayaa Asbuuc ka hor   waxay ka mid noqdeen Guddiyo uu magcaabay Siyaasiga Cabdi Shukri Cali Xirsi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin Gudidga Amaanka Gobolka Mudug Mana jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay shaqsiyaadka xilka laga qaaday Maanta.

 

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

Galmudug State SOMalia

Faallo: Waxaan laga fiirsan oo dhan baa fool xumo u dambeysaa,

Magacaabista xubno uu ka mid yahay Cali Diiriye Aloore ayaa ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Caalin xilli uu safar ku joogay Dalal Yurub ah, xilligaas ayaan ka biya diidnay inaan qorno warkaas wareegtada ka soo baxay xafiiska madaxweynaha xilli uu safar ku maqnaa anagoo daliil uga dhignay inaaney Protocol ka Dowladnimo waafaqsaneeyn.


Ma filaayo in Caalin wareegtadaas ka soo diray Yusrub, waxayse u badan tahay in Ragga uu meesha uga tagay ay iyagu soo saareen waa arin mudan in talaabo laga qaado, Isla markaana la xaqiijiyo inaaney dib u soo noqon mar kale!
 

Cabdirisaaq Cadde