Booqasho
rasmi ah uu Guddoomiyaha
Baarlamaanka Galmudug
Mudane Xasan M. Hayl ku yimid
Arizona
Sawirada oo Dhan halka Hoose ka
daawo
MudugNet, Arbaco, 28ka Luulyo, 2010.
Habeenkii
xalay waxaa jaaliyadda Galmudug
ee Arizona si diiran u soo
dhaweeyeen Guddomiyahay
barlamaanka Galmudug Mudane
Xasan Maxamuud Hayl isagoo
booqasho rasmi ah ku marayey
Gobollo ka mid ah Waqooyiga
Maraynkanka. Xafladaas oo si
wacan u soo agaasimeen haweenka
iyo Dhalllinyarada Jaaliyadda
Galmudug ee Arizona. Khudbad so
dhaweyn ah waxaa halkaas ka
akhriyey Mudane Maxamed Urur ee
ka mid ah asaasiyaashii dawladga
Galmudug State.
Waxaa xigey
khudbad dheer ee xog-warran ah
ee Mudane Xasan Hayl halkaas ka
jeediyey. Wuxuu guddoomiyaha ka
hadlay waxqabadka Galmudug iyo
mashaariicda horumarineed ee ka
socota dawladda Galmudug, iyo
isagoo tilmaamay in jaaliyadda
Galmudug ee Arizona tahay mid
ka mid xubnaha firfircoon ee
muhiimka ah fulinta iyo
dardargelinta mashaariicda dawladda
Galmudug. Wuxuu Guddoomihaha ku
nuuxnuuxsaday baahida loo qabo
in ay jaaliyadda dardar geliso
qayb weyna ka qaadato
mashaariicda ay ka midka yihiin
dhismaha xarumaha madaxtooyada
iyo barlamaanka ee dawladda
Galmudug ee la doonayo in
dhawaan laga hirgeliyo Magaalada
Gaalkacyo.
Mudane Xasan
Maxamuud Hayl wuxuu ku booriyey
jaaliyada muhimadda ay
leedahay isku duubniyad iyo
midnimada xubnaha jaliyadda
Galmudug taasoo keeni karto in
ay xabadan oo horumar ka suurta
gelin karto deegaanka Galmudug.
Waxaa kadib
lagu soo gunaanaday xafldaas
su’alo muhiim ah ee soo
jeeddiyeen xubnaha Jaaliyadda
Galmudug iyagoo si wacan ugu
qanceen jawaabihii waafiaga ahaa
ee guddoomiyaha ka bixiyey
weydiimahaas.