Dad laga Soo
Bara kiciyay Boosaaso iyo Garoowe
oo Mar kale Soo Gaaray Magaalada
Gaalkacyo.
MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 29ka Luulyo, 2010.
Magaalada
Galkacyo ee Xarunta Gobolka
Mudug waxaa Mar kale soo gaaray
dad ay Maamulka Waqooyi Bari
Puntland kasoo Barakicyeen
Magaalooyinka Garoowe iyo
Boosaaso oo ay Ku noolaayeen
Mudo badan
Ilaa 50ruux
oo ah dadka la soo bara kiciyay
ayaa maanta soo gaaray Gaalkacyo
iyagoo la socday Gaari nooca
Xamuulka ah waxaana dadkani ay
Maciin soo bideen Magaalada
Gaalkacyo Gaar ahaan dhanka
Galmudug State oo ay horay ugu
sugnaayeen boqolaal ruux oo la
soo bara kiciyay
Dadkani
Gaalkacyo soo gaaray ayaa mar ay
saarnaayeen Gaari dushiis
Mudugnet.com wax ka waydiisay
meelaha ay ka yimaadeen waxay
sheegeen in qaar ka mid ah
dadkaan mudo dhswr cisho ah ku
jireen xabsi ku yaal Boosaaso
halka qaar kalana laga soo
qabtay maalinimadii shalay
Boosaao iyo Garoowe oo xalay oo
dhan ay wadada kusoo jireen
saakayna ay Magaalada Gaalkcyo
soo Galeen “Waxaa nalasoo saaray
Gaarigan wxaan nala socday
Gaaari ciidan oo hubaysan kaasi
oo ilaalo ka ahaa dadkan ilaa
Gaalkacyo waxaa nala keenay
Saldhig Puntland ku leedahay
Waqooyiga mudo saacado ah aan
kusugneyn Hay’ado ayaa noo
keenay Bustayaal kadib waxaa
wadaha Gaariga lagu Amaray inuu
u gudbiyo dhanka Koofurta ee
Galmudug ilaah mahddiis hadii
anagoo nabad ah aan Halkaan
joogno” ayuu yiri Mid ka mid ah
dhalinyarada Gaariga saarnaa oo
Ka gaabsaday magaciisa inuu
sheego.
Dadkani oo u
badnaa Dhalinyro waxay sheegen
oo kale in dhibaatooyin xoogan
loo Gaystay oo ay ka mid tahay
Hantidooda oo boob loo gaysatay
agabyadii yar yaraa oo ay
wateena laga qaatay sida
Mobilada Gacanta waxay xuseen in
ay ka soo jeedaan deegaanada
Koofurta Somaliya Sida Galgaduud,
Hiiraan iyo Banaadir Waxay
Madaxda Puntland ugu baaqeen in
ay Hantidooda u badbaadiyaan oo
dhac xoogan loo gaysatay Sida ay
Sheegeen
Imaanshaha dadkani
ayaa kusoo beegmaysa iyadoo
dhawaan ay Magalada Gaalkacyo
soo gaareen ilaa 700 ruux oo
laga soo qixiyay Boosaaso,
Garoowe iyo deegaano kale oo
Puntland ka tirsan waxaana qayb
ka mid ah dadkaasi ay u gudbeen
deegaanada ay ka soo jeedeen
halka qaar kalana ay ku sugan
yihiin Magaalada Galkacyo dhanka
Galmudug State
Mamaulka
Galmudug iyo qayabha Bulshada ayaa
wada Olole dadkaasi marasta ah
loogu Gurmanayo waxayna haatan
dul saar ku yihiin xeryaha dadka
barkacyaasha ah Magaalada
Galkacyo ee Xarunta Galmudug
State