![]()
Cudurka Daacuunka oo la xaqiijiyay inuu ka jiro deegaanno ka tirsan Dawlad-goboleedka GalMudug!.
MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 11, 2007.
Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanno kale oo ka tirsan Dawlad-goboleedka GalMudug, oo illaa iyo bishii hore ee Abril uu ka jiray cudurka Shubanka, ayaa hadda waxaa la xaqiijiyay inuu ka jiro cudurka halista ah ee Daacuunka!.
Agaasimaha Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo mudane Max'ed Cabdi iyo Madaxa Dhakhaatiirta Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo Dr. Max'ed C/Kariin Nuur ( Dr. Max'ed Amiin ), oo maanta iigu warramayay xafiiskiisyadooda, ayaa ii caddeeyay in cudurka Daacuunku uu ka jiro meelo ka tirsan Dawlad-goboleedka GalMudug!. waxayna masuulyiintaasi intaas ku dareen in meelaha ugu daran ee illaa iyo hadda cudurka Daacuunku uu ka dillaacay ay ka mid yihiin magaalada Gaalkacyo iyo magaalooyinka Galliinsoor iyo Bacaad-weyne!.
Galliinsoor, oo horay looga xukumi jiray gobolka Gal-guduud, ayaa hadda waxaa laga xukumaa gobolka Koonfurta Mudug ee Dawlad-goboleedka GalMudug. waana degmo ay ku noolyihiin dadweyne badan. 90 km ayayna Galliinsoor dhanka Koonfureed ka xigtaa magaalada Gaalkacyo. waxaana illaa iyo hadda magaalada Galliinsoor ugu geeriyootay cudurka Daacuunka illaa 6 qof, sida uu ii sheegay Max'ed Cabdi, Agaasimaha Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo
Magaalada Bacaad-weyne, oo 200 km dhanka Bari ka xigto magaalada Gaalkacyo, ayaa waxayna ka tirsantahay gobolka Hobyo. waxayna dhinaca Koonfur-Bari kala siman tahay degmada Wisil. magaalada Bacaad-weyne, oo iyadana ay ku noolyihiin dadweyne aad u badan, ayaa waxay xarun u tahay beesha Qubays oo ka tirsan beelaha dhistay Dawlad-goboleedka GalMudug. waxaana, inta la hubo, magaalada Bacaad-weyne cudurka Daacuunka ugu geeriyootay, ugu yaraan 10 qof.
Wuxuu kaloo ii sheegay mudane Max'ed Cabdi in bukaanno aan badnayn oo qaba cudurka Daacuunka laga xaqiijiyay degmooyinka Wisil iyo Ceel-dibir oo ka wada tirsan gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug. wuxuuse intaas ku daray in aysan taas macneheedu ahayn in Daacuun uu ka dillaacay magaalooyinka Wisil iyo Ceel-dibir. waxaana Agaasimaha Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo mudane Max'ed Cabdi hadalkiisa iiga muuqday inuu yaraysanayo khatarta faafitaanka ee cudurka Daacuunka ee Wisil iyo Ceel-dibir. sababtoo ah tirada yar ee bukaannada aan yaraysiga lahayn ee cudurka Daacuunku uu ku helay degmooyinka Wisil iyo Ceel-dibir!.
Dr. Max'ed C/Kariim Nuur ( Dr. Max'ed Amiin ) ayaa ii sheegay in Samballo ay ka qaadeen Bukaanno shubmayay oo jiifay Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ay baaritaan ugu direen shay-baar magaalada Nayroobi ay ku leedahay Hay'adda Dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF-Holand ee ka hawl-gasha Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo. wuxuuna sheegay Dr. Amiin in baarintaankaas lagu xaqiijiayay inuu cudurka Daacuunku ka jiro meelo ka tirsan Deegaannada GalMudug.Agaasimaha Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo mudane Max'ed Cabdi ayaa waxa uu ii sheegay in maalin kasta Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo la keeno ugu yaraan 20 qof oo shubmaya. waxaana dadkaas laga kala keenaa meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Galliinsoor, Bacaad-weyne, Wisil, Ceel-dibir iyo meelo kale oo ka tirsan dhinaca Puntland oo ay ka mid yihiin Woqooyiga Gaalkacyo, Bur-tinle, Bacaad-weyn, iwm.
Dr. Max'ed Amiin ayaa sheegay in Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ay ka sameeyeen qayb dhan oo u gaar ah laguna daaweeyo dadka uu soo rito cudurka Daacuunku. wuxuuna ii sheegay in laga karantiilay Isbitaalka intiisa kale qaybta lagula tacaalayo bukaannada qaba cudurka Daacuunka. "Waxaa loo ooggolyahay inay galaan Qaybta ay Isbitaalka ka jiifaan bukaannada qaba cudurka Daacuunku kaliya Dhakhaatiirta daaweynaysa iyo Kalkaaliyayaasha iyo dad aan badnayn oo bukaan-la-joog ah oo iyaga la siiyo qalab iyo daawo ay la iskaga ilaaliyo qaadista cudurka. waxaanan sidaas u yeelaynaa inaan inta tabartayadaa xaggamaynno oo uusan ku faafin dadweynaha cudurka Daacuunku". ayuu yiri Dr. Max'ed Amiin.
Dr. Max'ed C/Kariim Nuur ( Max'ed Amiin) ayaa sheegay in wafti uu asagu hoggaaminayay oo ka socday MSF-Holand iskuguna jiray dhakhaatiir Ajnabi ah iyo kalkaaliyayaal Caafimaad ay labo goor tageen maalintii Talaadada ee 08/05/07.magaalada Galliinsoor. wuxuuna xusay in Galliinsoor maalintaas ay yaalleen 55 qof oo qaba cudurka Daacuunka. isagoo Dhakhtarku sheegay inay geeyeen Galliinsoor daawooyin kala duwan isla markaasna ay bukaannadii daaweeyeen.
Mar uu ka hadlayay dhinaca magaalada Bacaad-weyne, oo iyadana uu ka jiro Cudurka daaacuunku, ayuu Dr. Max'ed Amiin ii sheegay inay u direen koox dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaalba ah oo ka tirsan Hay'adda MSF-Holand. Kooxdaas ka socota MSF-Holand ee laga diray Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, oo iskugu jiray Soomaali iyo ajnabi, ayaa waxay geeyeen magaalada Bacaad-weyne Daawooyin. waxayna muddo saddex bari ah daaweynayeen Dadka reer Bacaad-weyne ee la il-daran cudurka Daacuunka.
Dr. Max,ed Amiin ayaa, ugu dambayntii, waxa uu ugu baaqay dadweynaha inay nadaafadda ilaaliyaan. maaddaama ay nadaafad-xumadu ka mid tahay sababaha uu la faafo cudurka Daacuunku. wuxuu kaloo Dhakhtarku uu ku boorriyay bulshada inay qofkii ay arkaan isagoo shubmaya, si loo badbaadiyo, ay isla markaaba ula soo ordaan Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, oo har iyo haynba furan, iyo meeshii kale oo ugu dhaw goob caafimaad.
ALLE ha naga badbaadiyee, Cudurka Daacuunku wuxuu ka mid yahay cudurrada Faafa ee halista ah ee sida sahlan la isku qaadsiiyo!. waxaa kale oo iyaduna wawal leh in bulshadeennu aysan aad ugu baraarugsanayn halista Daacuunka iyo sida sahlan ee uu ku faafaba!. iyo kaaga darene, dadkeenna oo intooda badan ay ku nool yihiin degmooyinka, tuulooyinka iyo baadiyaha oo adeegyo caafimaad ay ku yaryihiin ama aysan ka jirinba!. waxaana aad looga cabsanayaa inuu cudurkaasi ku faafo meelo kale oo hor leh!. taasoo keeni karta masiibo weyn!. iyadoo waliba roobkii Guga uu wakhtigan da'ayo. inkastoo meelaha qaar ay abaari ka jirto oo roobku uusan wali ka di'in. labaas Xaaladood ee Roobka iyo Abaartuba waxay gacan ka gaysan karaan inuu cudurku sii fido. waayo?. markasta oo ka mid ah labadaas jeerba waxaa dadweynaha ku adkaanaysa inay helaan Biyo Nadiif ah!.
Ugu dambayntii, mudane Max'ed Cabdi iyo Dr. Max'ed Amiin waa Labo nin oo inta badan wakhtigooda ku mashquulsan samo-falka bulshadooda. gaar ahaan xagga Caafimaadka. waliba waxay ii sheegeen qaar badan oo shaqaalaha isbitaalka ka tirsani in mudane Max'ed Cabdi, badanaaba, habeynkii uu isbitaalka dhex-seexdo. isagoo waliba guri weyn ku leh magaalada. taasoo aad ka garanayso sida uu u yahay nin hawl-kar ah.
Dr. Max'ed Amiin ayaa isna hawlaha joogtada ah ee uu ka hayo Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo waxaa ka mid ah Qalliinnada culculus iyo kuwa fududba, Daawenyta iyo Baarista Bukaannada iwm. EEBBE ha ka abaal-mariyo sama-falkiisa Dr. Max'ed Amiin. Aniguna waxaan uga mahad-celinayaa, markaan anigoo waraysi ka raba ugu tago Isbitaalka, sida qaddarinta iyo niyad-samaanta leh ee uu ii siiyo wakhtigiisa qaaligaa. uuna xagga Caafimaadka iiga xog-warramo. Isagoo waliba markaas firaaqadiisu ay aad u yartahay.
Calideeq Max'ed Xaashi.
nabadda1@hotmail.com
Gaalkacyo,GalMudug, Soomaaliya.