Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

Mujrim Nuur Cadde oo Waxiska caabinta Muqdisho ku tilmaamay Argagaxiso iyo Nuur Cadde oo ka hadlay arrimaha Puntland xili Shacabkii Muqdisho la xasuuqayo.



MudugNet, Muqdisho.
Axad, April 20, 2008
.


 
Mujrim Nuur cadde oo Bilihii lasoo dhaafay isqarinayay ayaa Maanta Hunqaaco Afka lataagay kadib markii uu kahadlay Dagaalada kasocdo magaalada Muqdisho ee lagu Xasuuqayo Shacabkii Ehelka u ahaa Caasimada.
 
Nuur Cadde oo Maanta Shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaaa intiisa badan uga hadlay Sicir bararka iyo Burcad Badeedii dhawaan laga qafaashay maamulka Puntland.
 
Dhagar Qabe Nuur Cadde dagaalada Gobanima doonka ah ee Muqdisho ka socdo ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo lagula dagaalamayo Kooxo uu ugu yeeray Aragagaxiso.
 
Mujrim Nuur Cadde oo iska dhigayay Nin Nbad doon ah ayaa Dharka u dhigtay Tikree Difaacid iyo in uu ka hadlo arrimaha Puntland iyadoo la xasuuqayo Shacabkii Muqdisho ee uu dhalasha ahaan kasoo jeeday.


MudugNet News