Ciidamada Cadawga Itoobiya ee dagaalada ka wado magaalada Muqdisho ayaa
Maanta Xasuuq Arxan darra ah ugu gaystay Dad Shacab ah oo ay guryahooda ugu
tageen kadib markii looga awood roonaaday Dagaalkii ay Shacabka la galeen.
Allaha unaxriistee Dadka Shahiiday ayaa u badnaa Odayaal Da' ah iyo qaar ka
tirsan Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud qaybteeda Huriwaa.
Dad goob joogayaal ah ayaa noo xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ay Gowrac
mariyeen Sedax qof oo lagu kala magacaabi jiray:
Xasan Xeydar,
Cabdi Guuleed Jimcaale,
Xasan Xirsi
iyo
Nin aan mgacciisa la sheegin balse ay Gowraceen Ciidamada Cadawga Itoobiya.
Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayay Ciidamada Itoobiya ku jebiyeen
Gaadiidka Taangiyada waxayna qaateen dhammaan wixii lacago iyo qalab ah oo yiil
Shirkadda.
Gowracan ay Ciidamada Itoobiya ka wadaan Muqdisho ayaa dhalin
karo in Shacabku ay meel uga soo wada jeestaan Xasuuqa lagu hayo.