Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beesha Hawiye oo Maanta ka
Hadlay Xasuuqa ay Ciidamada Itoobiya Muqdisho ka gaysteen iyo Hadalkii
Qalafsanaa ee Shalay ka soo yeeray Nuur Cadde.
KU: Qaramada Midoobay
KU: Jaamacada Carabta
KU:Midowga Afrika
KU :Ururka Islaamka
KU Midowga Yurub
Ujeedo: Qayladhaan.
Shir ay maanta ay isugu yimaadeen Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo ay
kaga hadleen Xasuuqii ay gaysteen Ciidamada Itoobiya Taariikhdu markii ay ahayd
19/04/2008 ilaa maanta oo ay Taarikhdu Tahay 21/04/2008 oo ay ka gaysteen
magaalada Muqdisho.
Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye wuxuu cadaynayaa, in Ciidamada Itoobiya ay
Xasuuq ba’an u gaysteen shacabkii daganaa magaalada Muqdisho.
Xasuuqaas oo isugu jira Gowrac, kufsi,dhaawac, Barakicin Cusub, Afduub, Bur
burin hanti shacab iyo Madaafiic aan loo meel dayin oo ay ku garacayeen gobihii
ay daganaayeen dadka rayidka ah, iyagoona ugu galay masaajidyada, Guryaha iyo
Goobaha Ganacsiga,islamarkaana afduub u haysto dad fara badan oo rayida oo ay ku
jiraan arday sida ayagoo Masaajidka Al Hidaaya ku gowracay Culamaa’udiinkii
masaajidka, iyagoo dhac u gaystay Goobihii ganacsiga.
Waxaan cadaynaynaa in Ciidamada Itoobiya ay xasuuqeen dad rayida oo gaaraya 180
Ruux in ka badan, islamarkaana dhaawacay in ka badan 300 oo ruux oo rayida ah
walina ay sii wadaan xasuqii ay u gaysanayeen dadka rayidka ah, taas oo ay
beegsanayaa Ciidamada Itoobiya Beelo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Degan
magaalada Muqdisho, islamarkaana ay doonayaan inay isirsifeyn ku sameeyaan
Beelahaasi.
Ugu Danbayntii Golaha dhaqanka iyo Midnimada hawiye wuxuu nasiib daro u arkaan,
iyadoo Ciidamada Itoobiya oo xasuuq u gaysanaya shacabka Soomaaliyeed in Ra’isul
wasaare Nuur Cadde uu ku tilmaayay in Ciidamada Itoobiya ay isdifaacayaan,
taasoo carqalad ku abuurayso hanaanka Dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed.
Maxamed Xasan Xaad.
Gudomiyaha G/ dhaqanka & midnimada Hawiye