Muqaawamada Soomaaliyeed oo Cambaaraysay Xasuuqii ay
Ciidamada Cadawga Itoobiya Muqdisho ka gaysteen.
Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed(Jabiso)
Date:- 15/04/1429H - 21/April/2008M.
Ref: - xwx/008/008
Sida la ogyahay 19- 20/ Bishan April 2008 waxa ka dhacay magaalada Muqdisho
xasuuq aad u ba’an oo loo geystay shacbiga Soomaaliyeed iyada oo la dilay in ka
badan 93 qof kuwaas oo isugu jira kuwo la gowracay, kuwo lagu dilay si toogasho
ah iyo kuwo lagu duqeeyay guryahooda Madaafiic aan loo meel dayin, sidoo kalana
uu cadowgu dhaawacyo u geystay in ka badan 140 qof.waxaana intaasi dheer in
cadowgu qafaashay in ku dhaw 100 qof oo aan illaa iyo hadda nolol iyo geeri
midna lagu hayn.
Dhanka kale waxaa hadlay Nuur Cadde oo sheeganaya in uu yahay Ra’isul Wasaare
mas’uulna ka yahay shacabkaasi cadowgu Xasuuqayo isaga oo ka dhawaajiyay in
dagaalkii ay ciidamada cadowga itoobiya ku xasuuqayeen Shacabka uu ahaa mid
difaac ah loogana hor tagayo cadow uu ku tilmaamay mid nabad diid ah oo uu ula
jeedo xoogaga difaacaya shacabka maxasta ah ee soomaaliyeed, taas oo uu y arko
in dhibaatooyinka kala duwan ee uu gumeysiga iyo dabo dhilifyadooda u
geysanayaan shacabka mid xaq ah!!!.
Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed(Jabiso) waxa ay u aragtaa xasuuqii ay cadowga iyo
dabo dhilifyadooda u geysteen shacabka soomaaliyeed iyo waliba hadalka ka soo
yeeray Nuur Cadde:-
• in uu yahay mid lagu dabar goynayo dadka udub dhaxaadka u ah ummadda sida:-
culumaa’udiinka,dhalinyarta,odayaasha wax garadka ah iyo da’yarta wax
baranaysa,iyada oo tusaale loo soo qaadan karo gowracii iyo Bahdilkii ka dhacay
gudaha iyo daafaha Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Muqdisho.
• In lagu dhibaateeyo maatida aan awooda lahayn, kuwaas oo la kulma tacadiyada
arxan darada ah ee uu geysanayo gumeyisgu sida:- dil, kufsi, Barakac, Boob iyo
Bur-Burin.
• In aysan dalka ka jirin dowlad u adeegaysa danaha shacabka isla markaana
difaacaysa jiritaankooda.balse ay jiraan Dabo dhilifyo u adeegaya cadowga
ummadda soomaaliyeed taas oo daliil cad u ah hadalkii ka soo yeeray Nuur Cadde.
Baaq
1- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga
tacsiyaynaysaa gumaadkii arxan darada ahaa ee 19-20 bishan April 2008 u geysteen
Ciidamada Cadowga ah ee Itoobiya degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee magaalada
Muqdisho, waxaana ay illaahay uga baryaysaa in uu ka aqbalo intii ku shahiiday
xasuuqaas, caafimaad deg deg ahna siiyo intii ku dhaawacantay, inta ku jirta
gacanta cadowgana alle ka soo daayo iyaga oo bad qaba
2- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed (Jabiso) waxay Cod dheer ugu Baaqaysaa dhamaan
garabyada mujaahidiinta iyo cid waliba oo diyaar u ah in ay la dagaalanto
gumeysiga Midnino Buuxda si cadowga isa soo bahaystay looga saaro dalka, loona
badbaadiyo diinta, dalka iyo dadka soomaaliyeed.
3- Waxay (Jabiso) ugu Baaqaysaa dhamaan shacabiga soomaaliyeed dal iyo dibadba
in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada difaaca diinta,dalka iyo dadka, taas oo
fududayn karta in uu meesha ka baxo gumeysiga ummaddana laga badbaadiyo xasuuqa
cadowga iyada oo la kaashanayo alle (s.w.).
4- Jabiso waxay ummadda soomaaliyeed ugu yeeraysaa in ay u toobad keenaan
allihii abuurtay kuna kalsoonaadaan, si ay uga baxaan dhibaatooyinka kala duwan
ee haysta sida: Xasuuqa, Abaaraha iyo Sicir Bararka.
5- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed )Jabiso) waxa ay shacabka Soomaaliyeed
ogaysiinaysaa in aysan wadanka ka jirin wax dowlad la yiraahdo taas oo maanta ka
difaacda xasuuqa isir baabi’inta ah ee ay cadowgoodii soo jireenka ahaa ugu
geysanayaan gudaha dalkoodii Soomaaliya.
Digniin:-
Waxa ay Jabiso digniin culus u jeedinaysaa dhamaan dadka la shaqeeya gumeysiga
una ah dabo dhilif in ay ka waantoobaan u adeegidda cadowga gumaadaya
shacabkooda kana fogaadaan wax kasta oo loogu howl-fududaynayo gumeysiga sida:-
in loo noqdo ciidan, jaasuus, ka kiraynta gawaarida iyo Hotellada
Wabillaahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka guud ee
Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed(Jabiso).
Muqdisho – Soomaaliya