Dadkii ay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku
Xasuuqeen Waxara Cadde oo Maanta Xabaal Wadareed loo sameeyay.
MudugNet, Muqdisho. Isniin, April 21, 2008.
Boqolaal qof oo ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Xasuuqeen ayaa Maanta lagu
aasay Qabuura Wadareedyo looga sameeyay qaybo katirsan magaalada Muqdisho,
Maanta Duhurkii ayaa la aasay in kabadan 40-qof oo ubadan Carruur iyo
Culimaa'udiin Soomaaliyeed oo ay Gowraceen Ciidamada Cadawga Itoobiya.
Ciidamada Cadawga itoobiya ayaa Xasuuq aad looga naxdo kula kacay Muwaadiniin
Soomaaliyeed oo ay qaarkood ugu dheceen Masjidka Al Hidaaya oo ah Masjid ay
dhiseen Jameecada Tabliiqa oo ah Culimo caanka ah Caalamka.
Murug iyo Carro ayaa Maanta laga dareemayay wejiyada Shacabka Soomaaliyeed oo
aad uga caraysnaa Gowracii ay Ciidamada Tikreega Itoobiya mariyeen Shacabka
Soomaaliyeed ee la daalaa dhacayo gaajada iyo Abaaraha waa markii ugu horaysay
oo meel fagaara ah ay Ciidamada Tikreegu Gowrac ku marsiiyay.