Kooxaha kala duwan ee Muqaawamada Soomaaliya oo
Ballan ku qaaday in ay u aargudayaan Xasuuqii ay Ciidamada Cadawga u
gaysteen Shacabka
MudugNet, Muqdisho. Isniin, April 21, 2008.
Kooxaha kala gedisan ee Muqaawamada Soomaaliyeed ayaa ku hanjabay in ay aar
gudahso deg deg ah ka samay doonaan Xasuuqii ay Ciidamada Cadawga Itoobiya
shalay ka gaysteen xaafadaha SOS iyo Waxara Cadde oo kawada tirsan degmada
huriwaa.
Mas'uuliyiin u hadashay Isbahaysiga Dib Uxoraynta Xarkada Al Shabaab iyo Midowga
Maxkamadaha Isalaamka Soomaaliya ayaa ku goodiyay in ay cashar udhigayaan
Ciidamada Cadawga itoobiya.
Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur iyo Shiikh Ibraahin Suuleey oo kula hadlay
Maxkamadaha islaamka Soomaaliya iyo Al shabaab ayaa sheegay in ay Weeraro
qorshaysan ku qaadayaan Ciidamada Cadawga Itoobiya iyo Kuffaarta Puntland ee
garabka kusiiyay Xasuuqa ay kawadaan magaalada Muqdisho.