Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo Maanta
dagaal ku qabsaday Jaziirado ku yaal Koonfurta Soomaaliya
MudugNet, Muqdisho. Talaado, April 22, 2008.
Ciidamo katirsan Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa Maaanta dagaal
kula wareegay Jaziirado katirsan Gobalka Jubbada hoose Kuunfurta dalka
Soomaaliya kadib markii ay dagaal la galeen Maleeshiya Beeleed taageersan
Dowladda C/laahi yuusuf.
Wararka nagasoo gaarayo degmada Badhaah gobalka Jubbada hoose ayaa sheegayo in
Ciidamo aad u xoogan oo uu watay Shiikh Xasan Turki ay gudaha ugaleen magaalada
Xeebeedka Kudhaa oo leh Dekadda Macmal ah oo ay Itsicmaali karaan Maraakiibta
iyo Doomaha.
Ila wareedyo aan helnay ayaa tilmaamayo in Ciidamada Maxkamadaha Islaamka
Soomaaliya ay Xoraysteen Dekaddo badan iyo Tuulooyin katirsan 7-bada Jazeeradood
ee gobalka Jubbada hoose.