Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo Maanta
Cambaareeyay Xasuuqa Muqdisho iyo Abwaan Abshir Bacadle oo baaq u diray
Shacabka.
MudugNet, Muqdisho. Talaado, April 22, 2008.
Ururada Bulshada Rayidka ah ee kajiro magaalada Muqdisho ayaa maanta si kulul u
cambaareeyay xasuuqii waxashnimada lahaa oo ay Ciidamada cadawga Itoobiya ka
gaysteen magaalada Muqdisho.
War Saxaafadeed ay Maanta magaalada Muqdisho kasoo saareen Ururka Aqoonyahanada
Soomaaliyeed ayay ku cambaareeyeen Xasuuqii ay Tikreegu kula keceen Culimada
Soomaaliyeed iyo Dadka rayidka ah.
Madasha Ururka Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo maanta Kulan ku yeeshay Muqdisho
ayaa cambaarayn dusha uga tuuray Kufaarta Tikreega iyagoona Jaamacadda Carabta
ugu baaqay in ay Xiriirka ujaraan Dowlada Itoobiya sidii ay samaysay Dowladda
Qadar.
Dhinaca Kale Gole ay leeyihiin Abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa isna cambaareeyay
Xasuuqa Ciidamada Itoobiya, Afhayeenka Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed Cismaan
Guure ayaa si kulul u cambaareeyay Xasuuqa Itoobiya isagoona Shacabka ugu baaqay
in ay u midoobaan shacabka.
waxaa isna Maanta Warbaahinta lahadaly Abwaan Abshir Bacadle oo Guubaaba
Suugaaneed u diray Shacabka Soomaaliyeed oo ku aadan in ay isku gurmadaan si
looga baxo dhibaatada haysato shacabka Marasta ah ee Soomaaliyeed.