Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

Xoogaga wax iska caabinta oo Maanta Qarax la eegtay Baabuur ay wateen Ciidamada Cadawga Itoobiya.



MudugNet, Muqdisho.
Talaado, April 22, 2008
.

 
 
Xaalada magaalada Muqdisho ayaa Maanta kacsanayd marka loo eego sidii ay maalmihii lasoo dhaafay oo ay dagaalo qaraar ku dhaxmarayeen xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada Cadahga Itoobiya.
 
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa weli la dhakafaarsan xasuuqii iyo Gowracii ay Ciidamada Cadawga Itoobiya ka gaysteen xaafadaha Waxara Cadde iyo SOS oo kawada tirsan degmada Huriwaa magaalada Muqdisho.
 
Xoogaga waxiska caabinta Soomaaliya ayaa Maanta Qarax aad uxoogan la beegsaday Babuur ay wateen Ciidamada cdawga Itoobiya oo marayay isgoyska Miisaanka dhuxusha degmada yaaqshiid, arrimahana ayaa kusoo beegmayo xili ay Maalinimadii shalay ay Mas'uuliyiinta Maxkamadaha islaamka Soomaaliya ay ballan ku qaadeen in ay aar goosi ka samay doonaan Xasuuqii loo gaystay Culimada Soomaaliyeed.

 


MudugNet News