Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Maanta Baabuur
Uuraal ah si ulakac udul marsiiyay Gaari Rakaab ah iyo Dhaawacyo ka
dhashay shilkaas
MudugNet, Muqdisho. Khamiis, April 24, 2008.
Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa Maanta si ula kac ah Gaari u jiirsiiyay
Babuur Xamuul ah oo ay wateen Shacab xamaalata ah oo kusii jeeday Suuqa weyn ee
Bakaaraha magaalada Muqdisho.
Maanta Duhurkii ayay Ciidamada Cadawga Itoobiya Baabuur Jiirsiiyeen Gaari Bas ah
oo ka yimid Xaafadda Sanca Waqooyiga Muqdisho kuna sii jeeday Suuqa Bakaaraha
waxaa halkaas ku dhaawacmay 9-qof oo dhaawacyadoodu ayaa aad uliitaan.
Dad goob joogayaal ahaa ayaa noo xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ay Baabuur
Uuraal ah dulmarsiiyeen Shacabka Rakaabka ah taas oo muujinayso Cadawtooyada ay
u qabaan Shacabka Soomaaliyeed.
Markii uu Falkaasi dhacay ayay Maleeshiyada Puntland ee fadhiisnta ku leh
Isgoyska Xararyaale waxey Rasaas ku fureen gaariga waxaana hakad galay Gurmad oo
ay dadku u fidinayeen Shacabka ku dhaawacmay Falka.