Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

C/laahi Dheere Afhayeenka siyaasada Hawiye " waxaan qaadacnay wax wada hadal ah oo aan la yeelano Dowlad ku sheega inta laga joojinayo Xasuuqa Sanadkii labaad lagu hayo Shacabka Muqdisho



MudugNet, Muqdisho.
Khamiis, April 24, 2008
.

 
 
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa Maanta Shaaca ka qaaday in ay qaadeceen wadahadalo ay la yeelan lahaayeen Waxa loogu yeero Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah koox isku dhaarsatay Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ee dulman.
 
Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye u qaabilsan dhinaca Siyaasada C/laahi Dheere ayaa Daboolka ka qaaday in Golohoodu uu gebi ahaanba meesha ka saaray wax wadaahadal ah kadib markii ay Kooxda Mbagati sii laba jibaareen xasuuqa ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.
 
" ma jiraan Wax wada hadal ah oo aan la yeelanayno Kooxda mabagtio iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya inta laga joojinayo Xasuuqa lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed waana sii wedeynaa ka hadlista Xasuuqa Shacabka" ayuu yiri C/laahi Dheere Afhayeenka hawiye.

 


MudugNet News