Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

Ciidamada Xarakada Al Shabaab oo Howlgalo Burcad sifayn ah ka sameeyay Wadada isku xirto Waajid iyo Xudur.



MudugNet, Muqdisho.
Khamiis, April 24, 2008
.

 

 
Xoogag taabacsan Xarakada Al Shabaab oo ah Garabkii Meleteri ee Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa Howlo wax looga qabanayo Nabad gelyada kawado deegaano ka tirsan Baay iyo Bakool oo ay Isbuucii la soo dhaafay la wareegeen Gacan ku hayntooda.
 
Ciidamada kooxda Al Shabaab oo ku hubaysan Gadiidka daagalka ayaa Xalay Weerar ku qaaday goob ay Isbaaro utiil Maleeshiya Beeleed ku sugnayd Waajid waxaana halkaas ku Geeriyooday mid ka mida Burcaddii ay Isbaaradu u tiil goobta sida ay soo sheegeen Weriyaal ku sugan xudur.
 
Tan iyo markii ay Xoogaga Al Shabaab gaareen Gobalka Bakool waxaa sii yaraaday Khatartii ay Bucaddu ku haysay Bulshada Masaakiinta ah iyagoona baacsaday Maleeshiyaaadkii tuugada ahaa


MudugNet News