Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

Cudurka Shuban Biyoodka oo Dad kulaayay deegaano katirsan gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan xili ay hay'adaha samafalku ka maqan yihiin halkaas



MudugNet, Muqdisho.
Khamiis, April 24, 2008
.

 


Cudurka Shuban Biyoodka ayaa la sheegay in uu dad rayida ah ku dilay degmooyinka ka tirsan gobalka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo ay ka jiraan Abaaro saameyn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada ku nool halkaas.
 
Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar xarunta Gobalka Sh/dhexe ayaa sheegayo in 4-qof oo u badan Haween iyo Carruur ay Cudurka Shubanka ugu dhinteen degmada Mahadaay oo 25-KM ujirto magaalada Jowhar Caasimada gobaleedka.
 
Dhinaca kale Cudurka ayaa isna ka dilaacay gobalka Hiiraan oo ay ka jiraan Buya yari iyo Macluul haysato Shacabka, deegaanka Moqakori oo katirsan Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ku geeriyooday 15-qof oo uu haleelay shuban Biyoodka.
 
Waxaa lagu soo Waramayaa in la la'a yahay Milanka ama Cusbada fuuq baxa ee loo Isticmaalo Shubanka sababa la xariiro Hay'addihii Samafalka oo aan ka howlgelin Gobalada hiiraan iyo Sh/dhexe maadaama ay dhibaatooyin ka wadaan Ciidamada Cadawga Itoobiya.


MudugNet News