Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

Xasuuqii Cadawgu ka gaysteen Waxara Cadde oo sii kordhay iyo Shiikhii Mowlaca Janaraal Caydiid oo Maydkiisii Maanta lagu aasay Muqdisho



MudugNet, Muqdisho.
Khamiis, April 24, 2008
.

 


 
Waxaa isi soo tarayo dhibaatadii ka dhalatay Xasuuqii ay Ciidamada Cadawga Itoobiya kagaysteen qaybo katirsan xaafadaha SOS Waxara Cadde iyo SOS oo ka wada tirsan degmada huriwaa magaalada Muqdisho.
 
Warar dheeraad ah oo ka soo baxay Weerarkii ay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku qaadeen xaafada waxara Cadde ayaa sheegayo in la Gowracay Culimo horleh oo aan ahayn Culimadii Tabliiqa.

Qaar ka tirsan culimaa'udiinka ku nool xaafadda Waxara Cadde ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay Gowraceen Xer ka tirsan Culimada Ahlusuna Waljamaaca, Maanta Duhurkii ayaa lagu aasay Xaafada Waxara Cadde Maydka Shiikh Cismaan oo ahaa Gudoomiyihii Mowlac ku yaal meel aan ka fogayn Qabrigii Allaha unaxariistee Janaraal Maxamed Faarax Caydiid


MudugNet News