Culimada Ahlu Suna Wal-jamaaca oo Cambaaraysay
Gowracii ay Tikreegu ka gaysteen Muqdisho kuna baaqay in loo midoobo
Dagaalka
MudugNet, Muqdisho. Jimce, April 25, 2008.
Hugaanada ugu sareeya Culimada Ahlusuna Waljamaaca ayaa Maanta si kulul u
cambaareeyay Xasuuqii ay dhawaan Ciidamada Cadawga Itoobiya ka gaysteen
Xaafadaha SOS iyo Waxara Cadde oo kawada tirsan Huriwaa.
Afhayeenka Ahlusuna Waljamaca Shiikh C/qaadir Soomoow ayaa si kulul u
cambaareeyay falkii foosha xumaa oo ay Ciidamada Cadawga Itoobiya ka gaysteen
magaalada Muqdisho isagoona ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay arrintaas ka
dhiidhiyaan.
Huganaka ugu sareeyo Culimada Ahlusuna ayaa intaas ku daray in Wadaadadii lagu
Gowracay Wacara Cadde ay ahaayeen Ducaad aan lug kulahayn waxiska caabinta looga
soo hirjeedo Ciidamada Cadawga Itoobiya.