Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

War deg deg ah: Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Mbagati oo Maanta iskusoo dhiibay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed.



MudugNet, Muqdisho.
Jimce, April 25, 2008
.
 


 
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa Maanta Gacanta ku dhigay Gaari Dagaal oo ay lahaayeen Maleeshiyada Kooxda Magati Doofaareey ee Xasuuqa ku kaalinayo Ciidamada Cadawga Itoobiya.
 
Maanta Duhurkii ayay xoogaga wax iska caabinta Soomaaliyeed iskusoo dhiibeen ilaa iyo 10-Maleeshiyo oo katirsan Kooxda Mbagati iyagoona watay Gaari Tiknika ah nuuca looyaqaan " Seekaa'uu".
 
Saraakiisha Maxkamadah Islaamka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gaareen Maleeshiyadan oo uu lahaa Max'med Dheere Gudoomiyaha Gobalka Banadir Ninka sheegto arrintaas oo Dhabar jab ku ah Kooxda Mabagti.
 
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya Shiikh Max'muud Ibraahim Suuleey ayaa sheegay in Xoogagoodu ay siwanaagsan ula dhaqmayaan Maleeshiyada Isdhiibtay ,ma ahan markii ugu horaysay oo ay isdhiibaan Dabadhilifyada C/laahi yuusuf oo u muuqdo kuwo ku fashilmay joogista Muqdisho


MudugNet News