Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

Masaajidyada Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya oo Maanta Khodbadihii Jimcaha lagusoo qaaday Xasuuqii loo gaystay Culimada Tabliiqa balse Puntland iyo Baydhabo arrintaas loogama hadlin Sababtu maxay tahay?.



MudugNet, Muqdisho.
Jimce, April 25, 2008
.

 


Masaajidyada waaweyn ee Dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jimca ah looga Hadlay Dhibaatadii dhawaan ka dhacday Muqdisho gaar ahaan xasuuqii ay Ciidamada Cadwaga Itoobiya Caasimada.
 
Khudbadihii Jimcada ayay Mashaa'ikhda Soomaaliyeed Diirad ku saareen Xasuuqii iyo Gowracii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Caasimada, Masaajidyada magaalada Burco ee Somaliland ayaa sidiiran looga hadlay Xasuuqii ay Tikreegu ka gaysteen Masjidka Al-Hidaaya degmada Waxara Cadde.
 
sidoo kale Khadiibyada Masaajidyada Muqdisho ayaa iyana ka hadlay saamaynta ay Culimada Soomaaliyeed ku yeesheen Gowracii ay Tikreedu ka geysatay Muqdisho, balse magaalooyinka Baydhabo iyo Boosaaso aayna lagu soo qaadin Xasuuqii ay Itoobiyaanku Muqdisho ka gaysteen taas oo muujinayso in ay Raali ka yihiin Xasuuqa Muqdisho ama Maamulada ka jiro ay cadaadis saaraan Shacabka.


MudugNet News