Ururka Ardayda Gobalka Banaadir oo Cambaareeyay Xasuuqii
ay Tikreegu ka gaysteen Muqdisho iyo Ardaydii la qafaashay.
UJEEDO: WAR MURTIYEED (BSU)
Ardayda gobolka Banaadir waxay canbaareyn dusha kasaareen Ciidamada gumeystaha
ah ee dalka iyo dadka iyo Diinta ku sooduulay xasuuqii foosha xumaa oo ay ka
geysteen gobolka Banaadir iyo gowracii ay u geeysteen shacabka ku dhaqan gobolka
Banaadir
Sidookale waxaan canbaareyn labajibaaran dusha kaga tuureynaa arxan laawayaasha
gumeysi kalkaalka dabaqoonida umada soomaliyeed cadawga u sooo hugaamisay
Intaa kabacdi waxaaan beesha caalamka ka codsaneynaaa haduuu jiro caalam
cadaalad sameeya in tilaaabo cad laga qaado ciidamada Ethopia xadgudubka iyo
xasuuqa gawraca ay u geysteen umadda soomaliyeed
Waxaan si gaar ah uga codsaneynaa in jamacada Carabta ay go'aan adag ka qaataan
xasuuqa aan loo meel dayin iyo gawraca loo geysatay Shacabka Soomaliyeed ee ku
dhaqan gobolka banaadir
War murtiyeedkeena waxaan ugu dalbaneynaa shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir u
sheegeynaa in cadawga leysaga celinkaro in loo midoobo maadama kan qoriga wata
iyo kan is ka jooga gurigiisa ay u wada siman yihiin cadawga waxaana marqaati ka
ah waxaad hada aad argtaan oo aan cidu idiinkaga warameyn in hadaad masjid
joogto iyo hadaad guriga joogto aan cadawga marna ku dhaafeyn waxa uu duulaanka
ku yahayna ay tahay Diinta aad haysataan iyo Soomaalinimada
Dadka ku dhaqan gobolka Banadir waxaa laga yaabaa in aysan marka Cadawga
imaanayay aysan aqoon badan u laheyn hadase waxaad ogaateen cadawga
ujeedooyinkiisa dhabta ah ee uu leeyahay
Hadey jiraan dad moodayay in ay dawlada beenaadka ay daafac u ahaayen iyo in
reer hebel oo dawlad beenadka ka soo horjeedo loo socday hada waxaad ogaateen
xaqiiqda cadawga waxaan ugu adkaan karnaa anagoo uurka iyo cududa mideeyno.
Intaa kabacdi ardayda gobolka Banaadir wax ka barata in ay gacan wax ku bartaan
gacanna cadawga ka daafacaan oo aan waxbarashada laga tegin madaama cadawga
ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay in uuu waxbarashada dumiyo hadana aan buuga
kaliya laga welwelin ee laga welwelo xasuuqa umada kana fikirtaan sida umada loo
badbaadin lahaaa cadwgana looga celin lahaaa dal kasta waxaa badbadiya
dhalinyartiisa wa in aad dareentaan masuuliyadka idinka saran umadiina,
diintiina dalkiina, cadawga dalka waa laga xureeyn doona insha alllaah markeey
noqotaba
Ardayda waxaa kaloo laga raba in ay abuuraan jiil waxtar ah oo u adeega dalka
dadka iyo diinta oo aad tusaala wanagsan u noqotaan madaama aaan anagu helin wax
tusaala wanagsan inoo noqda ooo aabayasheen ay keeneen maaanta cadawga dalkeenii
baa bi iya.
y
Gudoomiyaha Ardayda Gobalka Banaadir Cabdi Naasir Max'med Shiikh Nuur .
Email
Shubka5@hitmail.com
.