Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

 

Ciidamo Madani ah oo aan taageersanayn Gumaysiga Itoobiya oo Maanta lawareegay magaalada Jowhar Sh/dhexe



MudugNet, Muqdisho.
Sabti, April 26, 2008
.
 


 
Ciidama Madani ah oo aan taageersanayn Maamulka Gumaysi raac ah ee gobalka Sh/dhexe ayaa maanta Duhurkii lawareegay Gacan ku haynta degmada Jowhar xarunta Gbalka Sh/dhexe.
 
Wararka nagasoo gaarayo magaalada Jowhar Gobalka Sh/dhexe ayaa sheegayo in Maanta ay magaaladaas ugacan gashay Ciidamo Madani ah oo kayimid dhinaca degmada Mahadaay ee isla gobalka Sh/dhexe.
 
Maleeshiyadii Gumaysi raaca ahaa ee uu hugaaminayay Axmed Cumar Deele ayaa Xalay Saqdii dhexe magaalada isaga bexe kadib markii ay naftooda ubaqeen ,Maleeshiyadii Maanta magaalada qabsatay ayaa magaalada lagasoo dhaweeyay.
 
Saraakiishii hugaaminayay Ciidamada qabsaday magaalada ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay maanta Howlgalo Burcad sifeyn ah ka fuliyeen wadada isku xirto Hiiraan iyo Sh/dhexe.


MudugNet News