Xoogaga Muqaawamada oo Xalay Weerar ku qaaday
Maleeshiyada Gumaysi raacyada Puntland ee kusugan Xararyaale.
MudugNet, Muqdisho. Sabti, April 26, 2008.
Dagaalo Goos-Goos ah oo u dhexeeyo xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed iyo
Maleeshiyada C/laahi yuusuf ee gumaysi raacyada ah ayaa Maanta ka dhacay
xaafadaha Xararyaale iyo Geed-jacay degmada Wardhiigleey.
Xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed ay Weerar ku qaaday Maleeshiyo katirsan
Ilaalada Madaxtooyada C/laahi yuusuf oo doonayay in ay Baarasho ugaystaan
gaadiidka isaga kala goosha Suuqa Bakaaraha ilaa iyo Isgoyska Siinaay.
ilaa iyo Sedax qofa yaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen halkaas iyo dhimasho
gaartay Hal qof, xoogaga waxiska caabinta ayaa had iyo jeer Weeraro Mooryaanta
Puntland ee Xasuuqa ku kaalinayo Ciidamada Cadawga Itoobiya.