War deg deg ah: 9-Maleeshiyo oo ay isku haybyihiin C/laahi yuusuf oo Goordhaw Muqdisho lagu aasay kadib markii ay Dagaal lagaleen Xoogaga Waxiska caabinta
MudugNet, Muqdisho. Axad, April 27, 2008.
Xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed ayaa Xalay Weerar ku qaaday Fariisin ay Maleeshiyada Dowlada C/laahi yuusuf ee Gumaysi raacyada ahaa ku leeyihiin Villa Baydhabo.
Dagaal qaraar oo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kaladuwan kadib ayay Xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed ku Guulaysteen in ay qabsadaan Villa Baydhabo oo xarun muhiima u ahayd Maleeshiyada Puntland ee Muqdisho uyimid Xasuuqa Shacabka reer Muqdisho.
Saraakiil katirsan Xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed ayaa Dgaalkii Xalay ku Khaarijiyay ilaa iyo 9-Sarkaal oo katirsanaa Maleeshiyda Puntland lagasoo aruuriyay.
Saraakiil ka tirsan waxa loogu yeero Dowladda Federaalka oo Maanta Warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa xaqiijiyay in xoogaga wax iska caabintu ay ka dileen Hogaamiya Maleshiiyaad ay ku dhaartaan, Warar laga helay Villa Soomaaliya ayaa sheegay in Maanta Muqdisho lagu aasay Maleeshiyo ay qaraaba yihiin C/laahi yuusuf.MudugNet News