Ciidamada Al Shabaab oo Maanta degmada Qansax-Dheere ka fara maroojiyay Maamulkii gumaysi raaca ahaa.

MudugNet, Muqdisho. Axad, April 27, 2008
 
Ciidamo Taabacsan Xarakada Al Shabaab oo qayb ka ah waxiska caabinta Soomaaliyeed ee gumaysi diidka ah ayaa maanta Duhurkii la wareegay Gacan ku haynta magaalada Qansax dheere oo katirsan Gobalka Baay.
 
Wararka nagasoo gaarayo Gobalka Baay ayaa Xaqiijinayo in Xoogaga Al Shabaab ay gudaha ugaleen magaalada islamarkaana ay Bilaabeen howlo lagu sugayo Ammaanka Qansax dheere.
 
Maamulkii Gumaysi raaca ahaa ee kusugnaa Qansax dheere ayaa ka cararay magaalada kadib markii uu ka baqay Dagaalyahanada Al Shabaab oo awood kuleh Gobalka Baay.
 
Dhinaca kale Cabsi aad uxoogan ayaa laga dareemay magaalada Baydhabo xarunta Gobalka Baay oo ay kusuganyihiin Mas'uuliyiinta Kooxda Mbagati iyo Ciidamo katirsan gumaysiga Itoobiya waa degmadii labaad oo katirsan gobalka Bay ee u Gacan gasho Muqaawamada Soomaaliyeed.

 

MudugNet News