Mudaaharaad lagu taageerayo Maxkamadaha Islaamka oo Maanta ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta Jowhar iyo Mas'uuliyiin katirsan Maxkamadaha oo la hadlay Shacabka.
MudugNet, Muqdisho. Axad, April 27, 2008
Mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya oo Xalay gaaray magaalada Jowhar xarunta Gobalka Sh/dhexe ayaa Maanta Shacabka meel Fagaara ah kala hadlay Shacabka reer Jowhar oo iska xoreeyay Gumaysiga Itoobiya.
Mudaaharaad aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen Shacabka magaalada iyo Ardayda Dugisyada Jowhar ayaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta degmada Jowhar.
Shiikh yuusuf Tuurxume jimcaale oo ah Mas'uulka ugu sareeyo Maxkamadaha Islaamka oo Dadka meel fagaara ah kala Hadlay ayaa ubalan qaaday Shacabka reer Jowhar in ay ka Difaacayaan Cadawga Umadda Soomaaliyeed iyo Maleeshiyada Burcadda ah.
Magaalada Jowhar ayaa Maanta laga dareemayay Xornimo iyo Islaaamnimo waxaana magaalada laga qaadayay Takbiirta iyo Astaamihii lagu yaqiin Midowgii Maxkamadaha Islaamka SoomaaliyaMudugNet News