War deg deg ah: Xoogaga Wax iska caabinta oo Caawa Weerar ku qaaday Warshadda Baastada iyo Weerar Caawa isna lagu qaaday Qaaliga degmada Yaaqshiid.
MudugNet, Muqdisho. Axad, April 27, 2008
Xoogaga Waxiska Caabinta Soomaaliyeed ayaa Caawa Maqribkii Hoobiyaal Roobka uga dhigay Fariisimada ay Ciidamada Cadawga Itoobiya kuleeyihiin Warshadda Basaatada iyo Xeyle Bariise.
Ciidamada wax iska caabinta ayaa la shgeegay in Warshadda Baastada ay ku Weerareen Hoobiyaal iyo Madaafiicda Garbaha laga gemo oo la rumaysan yahay in ay qasaara lixaad leh u gaysatay Ciidamada Cadawga Itoobiya .
Xaalada magaalada Muqdisho ayaa Caawa kacsan waxaana lahadal hayaa in ay sii kordhi karaan Weerarada looga Jawaabayo Xasuuqii ay Itoobiyaanku Muqdisho ka gaysteen.
Dhinaca kale waxaa Caawa Weerar lagu qaaday Guri uu deganaa Qaaliga Saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid oo lagu magacaabi Jiray ( Bud iyo Tooreey) xaafadda Suuq Bacaad degmada yaaqshiid lamana oga qasaaraha gaaray.
MudugNet News