Xubno ka tirsan Isbahaysiga Dib U xoraynta Soomaaliyeed oo Maanta gaaray degmada Af-Madoow gobalka Jubbada hoose.
MudugNet, Muqdisho. Axad, April 27, 2008
Mas'uuliyiin ka tirsan Ururka Isbahaysiga Dib U xoraynta Soomaaliyeed ayaa Maanta gaaray degmada Afmadoow oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose oo ka mid ah meelaha ayna ka jirin Gumaysiga Ciidamada Itoobiya.
Wararka naga soo gaarayo degmada Af-madoow ayaa sheegayo in ay socdaan qaban-qaabo ay wadaan Xubnahan ka tirsan Isbahaysiga Asmara oo ay kulamo kula yeelanayaan Waxgaradka iyo Mas'uuliyiinta deegaanka ee ku sugan gobalka Jubbada hoose.
Wafdigan ka socdo Isbahaysiga Asmara ayaa ka kooban ilaa iyo 8-Xubnood oo tagaeerayaal ku leh Jubbooyinka, Wararka qaar ayaa sheegayo in ay u sii gudbi doonaan magaalada Kismaayo si ay Saraakiisha Beesha Sede ugu gudbiyaan qorshaha Isbahaysiga Asmara
MudugNet News