Qarax Miino oo ay ku halaagsameen Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

MudugNet, Muqdisho. Isniin, April 28, 2008

 

 

Weerar ay ku hoobteen Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa Maanta ka dhacay deegaanka Cadaata oo ku dhaw magaalada Baydhabo xarunta Gobalka Baay.

 

Weerar aad u xoogan oo loo adeegsaday Miinada meelaha fog laga haga ah ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo  xiligaas ka soo laabtay ilaala ay ka hayeen Xarunta  Baaralamanka Kooxda Mbagati ay Baydhabo ku leedahay.

 

Warar laga helay dad goob joogayaal ah ayaa sheegayo in Weerarkii lagu qaaday Ciidamada Itoobiya ay ku dhinteen ilaa iyo 8-Askari oo Itoobiiyaan ah iyo dhaawacyo gaaray tira kale.

 

Markii Weerarka lagu qadaay Ciidamada Itoobiya ayay Toogteen Dad rayid ah taas oo muujinayso in qasaara xoogan uu gaaray Ciidamada Cadawga Itoobiya.

MudugNet News