Howlgal ay sameeyeen Maxkamadaha Islaamka oo ay ku dileen Maleeshiyo Burcad ah oo ay isbaaro u tiil Sh/dhexe.
MudugNet, Muqdisho. Isniin, April 28, 2008
Ciidamada Maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed ee maalmahan kusugnaay magaalada Jowhar xarunta Gobalka Sh/dhexe ayaa Maanta howlgalo Burcad sifayn ah ka bilaabay Wadada isku xirto magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay.
Wararka naga soo garayo Gobalka Sh/dhexe ayaa sheegayo in Ciidamada Maxkamadaha Islaamku ay Wadada ka eryeen Maleeshiya Burcad ah oo ay Isbaaro utiil wadada islamarkaana ay Gaadiidka Xamuulka ah ka qaadanayay Lacago Baad ah.
Qaar ka tirsan Rakaabka Gaari Xamuul ah oo laga soo badbaadiyay Burcadda ayaa sheegay in ay arkeen Maydka Nin Burcad ah oo yaal wadada kaas oo ay Dileen Ciidamada Maxkamadaha ee dagaalka la galay Maleeshiyada.
MudugNet News