Shiikh Shariif Shiikh Axmed “ Ciidamadeenu waxay Gacanta ku dhigeen Magaalooyinka  Koonfurta Soomaaliya marka laga reebo Baydjabo Cadawgiina waa jabay”.

MudugNet, Muqdisho. Isniin, April 28, 2008
 

Isbahaysiga dib U xoraynta Soomaaliyeed oo kamid ah dhinacayada dagaalka Jihaadka ah ka wado Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay Gacanta ku dhigeen gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya marka laga reebo magaalada Baydhabo iyo qaybo ka tirsan Muqdisho.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha Isbahaysiga dib U xoraynta Soomaaaliya aya shaaca ka qadaay in Ciidamadoodu ay la wareegeen  Gobalo muhiim ah oo ka tirsan Soomaaliya.

 

Waraysi uu Shiikh Shariif siiyay Telefeshinka Al-Jazeera ayuu ku sheegay in guulo wax ku ool ah ay Mujaahidiintoodu ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Gumaysiga Itoobiya.

 

“ Xoogaga Isbahaysiga Dib U xoraynta Soomaliya iyo walaalahayna kale waxay haystaan G/kacyo ilaa iyo Kismaayo, ilaah mahaddii Muqaawamada Soomaaliyeed xili dhaw ayay Gumaystaha ka saari doontaa Soomaliya” ayuu yiri Shiikh Shariif.

 

Hadalkan ka soo  yeeray Shiikh Shariif ayaa ku soo aadav xili dhawaan ay Muqaawamada Soomaaliyeed ay hanteen magaalooyin iyo degmooyin ay ugu muhiimsan yihiin Bu’aale iyo Jowhar.

MudugNet News