Xoogaga Muqaawamada oo Galabta Madaafiic ku garaacay Xarunta Xisbiga oo ay Tikreegu degan yihiin

MudugNet, Muqdisho. Isniin, April 28, 2008

 

Weeraro culus ayay Galabta Casar dhicii ku qaadeen xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed Xarunta Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ay kuleeyihiin Isbartiibada Muqdisho.

 

Ilaa iyo 8-Hoobiye ayay Xoogaga Xaq U dirirka Soomaaliyeed ku dhufteen gudaha xarunta Xisbiga sida aan wararka ku helayno, dhawaqa Hoobiyaasha iyo Madaafiic lagu  Garaacayay Itoobiyaanka ayaa laga maqlayay xaafadaha ku dhaw Muqdisho.

 

Weerarada ka dhanka ah Gumaystahay iyo dabadhilifyadooda ayaa Maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay Gobalada Dalka Soomaaliya iyo Caasimadda Muqdisho.

MudugNet News