Ciidamada Itoobiya oo Maanta Hub-ka dhigis ku sameeyay Maleeshiyo katirsan Kooxda Mbgati oo ay Isbaaro utiil deegaanka Siinka Dheer.
 

MudugNet, Muqdisho. Talaado, April 29, 2008


Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa maanta hub-ka dhigis ku sameeyay Maleeshiya Burcad ah oo ka tirsan Kooxda Mbagati ee gumaysiga Itoobiya la shaqayso xili ay Maleeshiyadaas ay fafalal Burcadnima ah ka samaynayeen wadada.
 
Maanta Duhurkii ayay Maleeshiyo ka amar qaadato Mujrim Max'med Dheere waxay deegaanka Siinka Dheer ku isbaaraysteen Gaadiidka Rakaabka ah ee ku safro Wadada isuku xitro Sh/hoose iyo Muqdisho balse markii in cabbaar ah ay baaranayeen Gaadiidka ayay Ciidmo Itoobiyaan ah soo gaareen Goobta.
 
Markii ay Ciidamada Cadawga Itoobiya soo gaareen deegaanka Siinka heere waxay Hub ku qabteen Maleeshiyadii Bililiqada waday iyagoona Xabadka Dhulka u dhigay Qoryihiina ka qaatay ,mid ka mida Dadkii saaraa Gaarigii Rakaabka ahaa ayaa Warbaahinta la hadlay " Ciidamada Itoobiay waxay Hubkii ka dhigeen Maleeshiyadii dowladda sheeganaysay weliba waxay ka qaateen hubkii waxayna ku carareen howdka" ayuu yiri goob jooge ka mid ahaa Dadkii la socday Gaariga Rakaabka ah.
 
Markii hubkii laga dhigay Maleeshiyadii Kooxda Mbagati ayay Ciidamadii Cadawga Itoobiya fasexeen Shacabka islamarkaana ay horay usii qaateen Lacagihii Shacabka laga dhacay iyo Hubkii ay wateen Maleeshiyada Kooxda Mbagati


MudugNet News