Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo La wareegay magaalada Balcad gobalka Sh/dhexe
 

MudugNet, Muqdisho. Talaado, April 29, 2008


Xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed ayaa Goordhaw xoog kula wareegay Gacan kuhaynta degmada Balcad gobalka Sh/dhexe oo ay ka arriminayeen Maleeshiyo katirsan Dowladda C/laahi yuusuf ee gumaysi raaca ah.

Ciidamo katirsan Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in gudaha magaalada ay galeen islamarkaana ay kulamo xasaasi ah la leeyihiin Shacabka magaalada.

Goob joogayaal kusugan magaalada Balcad ayaa Shabakada wararka Mudugnet.om u sheegay in Islaamiyiinta Gobanima doonka ah si diiran loogusoo dhaweeyay degmada Balcad.

 

MudugNet News