Dagaal culus oo Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Xoogaga Xaq udirirka oo la wareegay Fagaaraha Tarabuunka.
MudugNet, Muqdisho. Talaado, April 29, 2008
Dagaal qaraar oo lasyku adeegsaday hubka nuucyadiisa kaladuwan ayaa Galabta ilaa iyo Caawa Maqribkii ka socday qaybo katirsan xaafadaha degmooyinka Hodon iyo Daybiile oo kamid ah meelaha ugu daran oo ay kasocdaan kacdoonada gumaysi diidk ah.
Ciidamada Waxiska caabinta Xaq udirirka ayaa Caawa Maribkii ku guulaystay in ay la wareegaan Gacan ku haynta Fagaaraha Tarabuunka degmada Hodon kadib dagaal Faraha lays kula tegay oo ay lagaaleen Maleeshiyada Gumaysi raacyada Kooxda Mabagati.
Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in xoogaga Wax iska caabintu ay Difaacyo ka dhigteen Fagaaraha Tarabuunka islamarkaana ay Dhowr Madfac ay ku rideen Ciidamada Amisom ee ku sugan Isgoyska KM4- xaalada magaalada Muqdisho ayaa Caawa kacsan waxaana magaalada laga maqlayaa Rasaas culus.MudugNet News