Qarax ay ku Riiqdeen Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Saaka ka dhacay Kuliyadii Jaala Siyaad magaalada Muqdisho.

 

MudugNet, Muqdisho. Talaado, April 29, 2008


Qarax aad u xoogan ayaa saaka lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Cadwaga Itoobiya oo marayay agaagrka Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad degmada Dayniile.
 
Saaka aroortii ayay xoogaga wax iska caabinta Soomaaliyeed Weerar culus ku qaadeen Ciidamada Itoobiya oo doonayay in ay isku faafiyaan xaafadaha taas oo dhalisay in bambaanooyin iyo Miino lagu Weeraro.
 
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Holac uu ka baxay Gaari Uuraal ah oo ay wateen Ciidamada Itobiya ilaa iyo hadda lama garanayo qasaaraha rasmiga ah ee gaaray Ciidamada Cadawga Itoobiya.

 

MudugNet News