Xoogaga Wax iska caabinta Soomaaliyeed oo Maanta Weerar ku qaaday Gaari uu lasocday Ciise Cismaan oo Xubun ka ah Waxa loogu yeero Argagaxisa la dirirka

 

MudugNet, Muqdisho. Talaado, April 29, 2008


 Qarax aad uxoog badan ayaa Maanta lala eegtay Ciise Cismaan oo Xubin ka ahaa Ururkii Fashilmay ee lamagac baxay Argagaxisa ladirirka oo ay Fashiliyeen xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed.

Maanta Duhurkii ayay Mujaahidiinta Gumaysi diidka ah waxay Weerar loo adeegsaday Miino ku qaadeen Mujrim Ciise Cismaan xili uu marayay xaafada Tabeelaha Jacaylka degmada Shibis.
 
Qaraxa oo ahaa mid aad culus ayaa sababay dhaawac soo gaaray laba ka tirsan Maleeshiyadii ilaalada u ahayd iyo burbur gaaray Gaarigii uu la socday, xoogaga wax iska caabinta ayaa umuuqdo kuwa soo xoojinayo Halgankooda.


MudugNet News