Qarax ay ku halaagasameen Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Maanta Baydhabo ka dhacay iyo Itoobiyaanka oo Xasuuq ugaystay Shacabka magaalada Markii la xanuujiyay.
MudugNet, Muqdisho. Arbaco, April 30, 2008
Ciidamada Cadawaga Itoobiya ee kusoo duulay dalka Soomaaliya ayaa Maanta xasuuq arxan darra ah ka gaystay magaalada Baydhabo xarunta gobalka Baay kadib markii ay xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed Weerar ku qaadeen.
Maanta Barqadii ayay Xoogaga waxiska caabinta Sharciga waxay Weerar ku qaadeen Tikree doonayay in ay Biya ka dhaansadaan Ceel kuyaal magaalada Baydhabo balse waxaa arrintaas u diiday Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo Biyihii ay doonayeen ugu bedelay Dhiig.
Weerarka lagu qaaday Ciidamada Cadawga Itoobiya waxaa uga geeriyooday 5-Askari oo katirsan Ciidamadooda Kuffaarta balse markii Tikreega la xanuujiyay ayay ka aargoosteen Shacabka Masaakiinta ah waxayna Rasaas oodda uga qaadeen Suuq laga dukaamaysto ilaa iyo 15-qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Rasaastii ay Itoobiyaanku fureen.
Dhaawacyo aad ufarabadan oo ka dhashay Weerarkii ay Tikreegu ku qaadeen isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa ka dhigay dhaawaca 10-qof oo qaarkood ay aad uliitaan, Baydhabo oo xarun u ha kooxda Mabagti ee gumaysi raacyada ah ayaa waxaa kajiro dagaal gumaysi diid ah.
MudugNet News