Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo Maanta Cambaareeyay Gowracii ay Tikreega Itoobiya u gaysteen Wadaada iyo Haweenka Muqdisho.
 

Warsaxaafadeed :

 

Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa lagu lafa guray arimo farabadan, dood dheer ka dib waxaa laysla meel dhigay qodobadan soo socda.
 
1-Waxaa nasiib darro ah in Ardaydii Masaajidka al Hidaaya laga qafaalay Markii lageeyay C.I.D da lana jir dilay laguna qasbay in qoraal been abuura ah oo oranaya in kooxaha ka soo horjeeda ay yihiin kuwii Masaajidka xasuuqa ka gaystay ay qiraan misana saxiixaan.
 
Sidaa darteed Bulshada Soomaaliyeed iyo beesha Caalamkaba waxaan uga digaynaa inay ka taxadiraan been abuurka noocaas ah ee ay geysanayaan dagaal oogayaasha TFGda, islamarkaana ladoonayo in lagu qariyo Xasuuqii ba’naa ee ay geysteen Ciidamada Itoobiya.
 
2-Waxaa wax lala yaabo ah in shaqsiyaad Soomaali ah oo sheeganayo Masuuliyad Dowladnimo ay maanta Meediyaha ka cadeeyaan in shacabka Soomaaliyeed uu yahay Cadowgooda, Ciidamada Itoobiyana ay yihiin walaalahooda qaaliga ah.
 
3-Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye waxaa fajiciso ku noqotay warkii ka soo yeeray Madexweynaha Dowlada fadaraalka, kaasoo uu ku sheegay in dadkii laxasuuqay ay mudan yihiin in Sidaa loola dhaqmo, waxaa kaloo ka mid ahaa hadaladiisii in Mucaaradka ay yihiin tiro yar oo maynoorati ah.
 
Waxaa kale oo uu yiri in shacabka aan waxba laga weydiinayn dib u heshiisiinta Dalka Soomaaliya iyo ka bixida Ciidamada itoobiya, hadaba waxaan u aragnaa hadalada noocaas ah in aysan wax xal ah keenayn ayna yihiin hadalo mugdi lagu galinayo dib u heshiisiinta Soomaaliya.
 
4-Golahu wuxuu cambaaraynayaa shaqsiyaadkii Soomaaliyeed ee Gobalada waqooyi bari laga Afduubay loona gacan galiyay Taliska Itoobiya,taas oo ay Fuliyeen Maleeshiyaadka Cadde Muuse.
 
Ugu danbayntii Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqayaa in ay Gudi xaqiiqo raadin ah u soo diraan Dalka Soomaaliya si loo ogaato Xasuuqa ka Soconaya dalka Soomaaliya oo ay gaysanayaan Ciidamada Itoobiya.
Maxamed Saalax Muudey
K/simaha G/ golaha dhaqanka & midnimada Hawiye

MudugNet News